“Roobkii Hargaysa ka da’ay duufaan ma ahayn lamana odhan karo”…

0
1052

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Waaxda saadaasha hawadda ee wasaaradda beeraha Somaliland ayaa roobkii dabaylaha xoogan watay ee 27-kii bishan ka da’ay magaaladda Hargaysa oo khasaare badan gaystay in aanu Duufaan ahayn.

Agaasimaha waaxda dhulka, biyaha iyo saadaasha hawadda ee wasaaradda beeraha C/qani Yuusuf Galaydh, ayaa sheegay in aan roobkaasi lagu sheegi karin Duufaan, balse uu watay Ufo.

Taasoo ka soo unkamantay degaanka Geed-deeble ee Woqooyiga Hargaysa oo ay hogoshaasi ka soo bilaabantay. Sidaas darteedna aan lagu sheegi karin Duufaan ee ay ahayd Ufo roobaad.

C/qani Yuusuf Galaydh, ayaa xasuusiyay bulshadda in aan roobka noocaas ah lagu sheegi karin Duufaan, isla markaana duufaantu ay ka xawaare iyo dhibaataba badan tahay marka la bar-bar dhigo ufadda.

“Roobkaa ugu danbeeyay haddii aan soo qaado, horta dadka waxaynu xasuusinaynaa xiliga uu roobku da’ay, waa Xaggaa.

Xaggaaga waxaa la og yahay inta badan in uu dabaylo wato, ama xawaaraha dabayshu ay kor u kacdo.

Siiba goboladda Maroodijeex oo kale, waa goboladda ugu dabaysha badan xiliga Xaggaaga, gaar ahaan dhinaca Hawdka” ayuu yidhi C/qani Yuusuf Galaydh, oo u waramay BBC.

Agaasimaha waaxda dhulka, biyaha iyo saadaasha hawadda ee wasaaradda beeraha Somaliland waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyay roobkii 27-kii bishan ka da’ay magaaladda Hargaysa iyo nawaaxigeeda ee khasaaraha badan sababay.

Waxaanu yidhi “Roobkii 27-kii bishan da’ay, markii uu soo marayay Geed-deeble oo ahayd halkii ay Hogoshu ka soo curatay, Ufo ayaa kacday.

Markaa dabaysha noocan ah, ee khasaaraha intan le’eg gaysatay maalintii dhawayd, ee roobka ku lamaanayd, ma aha Duufaan.

Waxaa lagu yidhaahdaa Af-Soomaaliga Ufo. Duufaantu, way ka xawaare dheer tahay, way ka quwad weyn tahay, tan oo kale marka loo eego. Guryaha ay dabayshu dumisayna, waxay u badnaayeen guryo jilicsan”.

Waxaanu intaas ku daray, “Duufaan ma ahayn, lamana odhan karo. Waanan la soconay, waanan eegnaa mar walba duufaanadda aduunka ka dhaca, inta ay inoo soo jirsan karaan, meelaha ay ka dhacaan, wakhtiyadda ay dhacayaan.

Wakhti aynu Duufaan filaynay, wakhtigani muu ahayn. Waxa khasaaraha  gaystay, waa Ufadii roobka ka dhex kacday”ayuu yidhi Agaasime C/qani.

Geesta kale sida caadiga ah roobabka xiliga Xagaagga ah da’a ayaa lagu yaqaan in ay dabaylo wataan, iyadoo imika-na lagu jiro xiligii Xagaagga oo roobabkii Karantu ay dalka ka da’ayaan.

Sidaas darteed ma laga yaabaa in roobab dabaylo wataa ay maalmaha soo socda da’aan, arrintaasi waxaa sharaxaad ka bixinaya C/qani Galaydh.

Waxaanu yidhi “Waxaa laga yaabaa, maalmaha Jimcaha iyo Sabtida in ka da’aan dhinaca buuralayda Sanaag, ilaa Maroodijeex iyo Awdal, in ay roobab ka da’aan. Runtii waa roobab caadi ah, waana roobabkii Xagaagga, waana Karanta roobkii u danbeeyay.

Bisha September, dhamaadkeedda waxaan sugaynaa roobabkii Dayrta. Roobabkaasina sidii kuwii ka horeeyay ee bilihii July iyo August u da’een ayuun baan filaynaa in ay u da’aan”.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here