Dalka Uganda Oo Dad Ugu Dhinteen Xanuunka Ebola

0
557

Campala (Hargeisa Press.com): Masuuliyiinta caafimaadka ee wadanka Uganda ayaa cadeeyay in ilmo yar oo 9 sanadood jiray kana soo jeedda dalka Congo laga helay cudurka Ebola. Kadib-na ay ku dhintay wadanka Uganda.

Gabadhan yar ayaa la sheegay in iyada iyo hooyadeed dalka Uganda ka soo galeen dhinaca Woqooyiga, iyagoo ka yimid dhinaca dalka jamhuuriyadda dimoqradiga Koongo.

Saraakiil reer Uganda ah ayaa la sheegayaa in ay kala shaqaynayaan dhigoodda dalka jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Koongo, sidii maydka gabadhaasi loogu celin lahaa dalkeedii Koongo ee loogu aasi lahaa.

Gabadhaasi oo da’deedda lagu sheegay sagaal jir, ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay qabtay xanuunka Ebola.

Qoyskeedu waxay markii hore filayeen in dib loogu celin doono wadankeedii Koongo, oo halkaa lagu daawayn doono.

Wararka ayaa sheegaya in gabadhaas yar ee dhimatay markii hore ay hooyadeed Uganda u keentay si halkaa loogu daaweeyo.

Xarun dadka lagu daaweeyo oo ku taalla xuduudka labadda wadan ee Koongo iyo Uganda, ayaa la sheegay in lagu ogaaday in gabadhaasi ay qabtay Xumad ama Qandho, isla markaana kaarantiimo la geliyay.

Goor danbe ayaa waxaa la ogaaday, Alana xaqiijiyay in gabadhaasi ay qabtay xanuunka Ebola.

Waxa kaloo la sheegay in gabadhaas dhimatay hooyadeed iyad-na la geliyay Kaarantiimo, iyadoo dib loogu celiyay wadankeedii jamhuuriyadda dimoqraadiga ee Koongo.

Geesta kale hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO waxay sheegtay in ilaa 300  oo daawooyinka talaalka Ebola ah ay gaysay xarunta talaalka oo ku taalla xuduudka u dhexeeya Koongo iyo Uganda.

Wadanka Uganda waxaa la sheegay in laba qof ay ugu dhinteen xanuunka Ebola.

Hase yeeshee Uganda waxay tan iyo xiligaa maamulaysay xarun dadka lagu baadho oo ku taalla xuduudka, si ay uga hor tagto in xanuunku wadankeedda u soo gudbo.

Ilaa 3000 oo kiis oo xanuunka Ebola ah ayaa la soo weriyay in lagu arkay jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Koongo.

Iyadoo dad ku dhaw 2000 oo qof-na ay u dhinteen Ebola, tan iyo markii xanuunkaasi Koongo ka dilaacay muddo imika sanad laga joogo.

 

Hargeisa press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here