Madaxweynaha Somaliland Oo Daah-Furay Gaadiid Casri Oo Shirkada Hyundai Dalka Keentay+Sawirro

0
1118

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay mashruuc ballaadhan oo ay shirkadda DAHABSHIIL Group dalka ku keentay gaadiid casri ah.

Gawaadhidaasi Β oo ay farsamaysay ama ay samaysay Β shirkadda Hyundai ee laga leeyahay waddanka koonfurta Kuuriya.

Munaasibadda daah-furka mashruuca ay shirkadda DAHABSHIIL Group dalka ku keenayso gaadiidka casriga ah ee ay farsamayso shirkadda Hyundai oo ay ka qaybgaleen madaxda xukuumadda ugu sarraysa.

Hoggaanka axsaabta qaranka, ganacsato, madax-dhaqameed, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Waxaana xafladaasi laga Β jeediyey hadallo salka ku haya faa’iidada qaranka iyo bulshadaba ugu jirta inay ganacsatada waa weyni dalka keenaan mashaariic waaweyn oo bulshada waxtar u leh, islamarkaana aqoonta iyo fikirka shacabka kor u qaadda.

Xubno ka mid ah golaha wasiirrada, guddoomiyayaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI iyo haldoor kale oo reer Somaliland oo madasha ka hadlay.

Waxanay shirkadda DAHABSHIIL Group ku bogaadiyey kaalinta ay ka qaadatay sidii ay bulshadu u heli lahayd gaadiid casri ah oo muddo dheer sii shaqayn kara, una adkaysan kara duruufaha dhinaca waddooyinka ah ee dalka ka jira.

 

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa Β dhinaciisa shirkadda DAHABSHIIL Group ku hambalyeeyey horumarka uu sameeyey gaadiidka cusub ee ay dalka keeneen oo wax badan ka tari doona dhibaatadii bulshada ka haysatay gaadiidka duugoobay ee dalka la keeno.

Isagoo dhammaanba ganacsatada dalka ku boorriyey inay u xadhko xidhaan sidii ay dalka u keeni lahaayeen mashaariic waaweynΒ  dadka faa’iido u leh, maadaama ammaanka Somaliland ka jiraa soo jiitay dhammaanba maal-gashadayaasha dunida ka jira.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu kormeeray hangarro waaweyn oo ay shirkadda DAHABSHIIL Group ugu talo gashay inay ku dayactirto gaadiidka casriga ah ee ay farsamayso shirkadda Hyundai.

Halkaas oo laga heli doono dhammaanba agabka ay gaadiidkaasi u baahdaan muddada ay shaqaynayaan.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here