Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminaayo Oo Galabta Ka Duuley Madaarka Egal Ee Magaalada Hargeysa Una Safray Dalalka Imaaraadka Carabta Iyo Ingiriiska + SAWIRRO

0
838

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa galabnimadii maanta 26.9.2016 (6: 12, Saacadda Hargeysa) safar-hawleed ugu kicitimay dalalka Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Ingiriiska (UK).

 

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinayey Marwada koowaad ee Qaranka Amina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga Dr. Sacad Cali Shire, iyo Guddoomiyaha ahna Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

3-28-740x493

Safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa oo qaadan doono maalmo dhawr ah (haddii Allah Idmo) wuxuu daaran yahay dar-dargelinta hawlo Qarankeena muhiim u ah oo inaga dhexeeya Waddamada Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha, Horumarka iyo Iskaashiga, iyo arrimo kaleba.

 

Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay ku sii hakan doonaan Dubai, halkaasna waxay uga sii gudbi doonaan London (Bi Idmillah).

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram:Β @Hargeisapress

Follow us on Twitter:Β @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here