Maxkamada Dastuuriga Oo Go’aamo kasoo Saartay Kala Qaadista Doorashooyinka iyo Dacwadii Xisbiga Waddani

0
789

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maxkamadda Dastuuriga  Somaliland ayaa Maanta go’aan kama danbays ah kasoo saartay dacwadii iyo codsigii ay maxkamadda sare u kala gudbiyeen madaxwaynaha Somaliland iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee ku saabsanaa go’aankii madaxwaynuhu ku kala qaaday labadii doorasho ee is barkanaa.

 

Gudoomiyaha maxkamadda oo go’aankan ku dhawaaqay ayaa sheegay in maxkamaddu  ku raacday go’aankii madaxwaynaha ee ahaa in la kala qaado labada doorasho ee loo balansanaa in mar la wada qabto bilowga sanadka 2017.

 

Waxaana wakhtiga loo kordhinayo golaha wakiilada Somaliland loo gudbinayaa golaha guurtida Somaliland iyaga oo  ku dhawaaqi doonaa wakhtiga loo kordhiyay xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland iyo wakhtiga ay qabsoomayso doorasha wakiiladu.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here