“Madaxweynaha Jabuuti Waxaa Laga-rabaa Inuu U Kala Markhaati-Furo Somaliland iyo Soomaaliya”

0
2007

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu ka hadlay shirkii laba geesoodka ahaa ee labada dowladood ee Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray dalka Jabuuti.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay in uu soo dhawaynayo qodobadii ka soo baxay shirkii dhexmaray dowladood Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay inay yihiin qodobadii ay labada dal hore ugu heshiiyeen.

Waxaa uu sheegay in shirku uu Somaliland iyo Soomaaliya ku celiyay 1960 kii, hase yeeshee waxaa uu u mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh isagoo sheegay in uu sabab u yahay.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay in qofka aan doonayn saddex waddan oo Soomaali ah oo cod ku leh Qaramada Midoobay iyo Afrika uu yahay qof aan Soomaalida jacayl u hayn, isagoona sheegay in qadiyada Somaliland tahay, qadiyad shacab oo aanu go’aan ka gaadhi karin Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaa uu sheegay in ay Jabuuti ka mid tahay 5-tii Soomaaliyeed ee laysla doonayay, lakiin ay suuragali wayday, hase ahaatee Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle laga rabo in uu u kala markhaati furo Somaliland iyo Soomaaliya.

Ugu dambayntii, waxaa uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe uu sheegay in wakhtigan aanu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ka filayn in uu dib u furo wadahadalada, islamarkaana laga rabay in uu muhiimada siiyo arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here