“Wadankeenu wuxuu ka mid yahay dalalka u nugul isbedelka cimiladda…”

0
214

Hargaysa (HP): Agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa daah-furay kulan la xidhiidha deraasad lagu samaynayo u nug-laanshaha isbedelka cimiladda.


Tababarkaasi ayaa loo qabtay qaar ka mida shaqaalaha wasaaradda Deegaanka oo darsaadada ka soo samayn doona gobolada iyo degmooyinka dalka, iyagoo la kaashanaya haayada KAALO iyo haayadda UNDP.

Maxamed C/laahi Ducaale, agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland oo furitaanka tababarkaasi hadal ka jeediyaya ayaa shaqaalaha la tababaray kula dar-darmaay inay shaqadaas si wanaagsan u soo qabtaan.

Waxaanu ku adkeeyay hawl-wadeena fulin doona daraasadaasi in xogta ay soo ururiyaan ay noqoto mida wax ka taraysa dhibaatada Isbedelka Cimilada, iyo saamayta ay ku yeelatay dalkeenna.


Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Hagaha guud wuxuu u baahan yahay waxyaabihii uu ka duulayay, ee uu xogta ka dhiganayay, ee hagayay. Waayo? Waxaa loo baahan yahay in hoos loo dhaadhiciyo, si ay degmooyinka, iyo tuullooyinka u gaadho. Si ay taasi u hir gashana waxaynu u baahan nahay in aynu xog hayno.

Waxaan shirkan maanta u fadhinaa in aynu deraasad ku samayno u nug-laanshaha isbedelka cimiladda, taasoo taabanaysa dhinacyo kala duwan. Sida Xoolaha, Beerraha, maaraynta Khayraadkeenna ku jira Badda, iyo meello kale.

Waxaad tegi doontaan qoladiina halkan lagu tababarayaa toban goobood oo kala duwan oo goboladda Somaliland ka mid ah. Waxaan idinku dar-daarayaa waa inaad la timaadaan hufnaan, shaqadda aad qabanaysaan. Waxa kaloon idinku adkaynayaa xagga wakhtiga, oo hawshaa marka aad qabanysaan inaad wakhti fiican siisaan”.

Geesta kale Maxamed C/laahi Ducaale, waxa uu sheegay in dalkeenu uu ka mid yahay dalalka Geeska Afrika ee u nugul isbedelka cimiladda, iyadoo ay jiraan duruufo gaar ah oo inaga inoo raaca. “Wadankeenu wuxuu ka mid yahay dalalka Geeska Afrika ee u nugul isbedelka cimiladda. Waxaana inaga inoo raaca duruufo gaar ah, waxaana inoo raaca waxa loo yaqaano political status, …dawladda Somaliland dedaal badan ayay gelisay.

Waad ogaydeen oo shirkii caalamiga ahaa ee Dubai ee isbedelka cimiladda waa kii wasiirkeenu ka qayb galay, u jeedadda ugu weyni na waxay ahayd in maal-gashi aynu u soo jiidno xagga Tamarta dib loo cusboonaysiiyo. Si duruufahan ina haysta ee isbedelka cimiladda, ama adkaysiga in aynu wax ka qabano. Waay? Waxaynu u baahan nahay in aynu samayno” ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here