Madaxwaynaha Somaliland Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Burco Iyo Ujeedada Socdaalkooda

0
910

Burco, (HargeisaPress) β€”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay wehelinayaan Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye, Murashax Muuse Biixi Cabdi, Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo, Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Xubno ka mida golaha Wasiirada, Taliyaha Ciidanka Booliska, Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal iimaan, Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Maaliyada, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Masuuliyiin kala duwan oo muhiima ayaa safarkan ay ugu baxeen maanta gobolada bariga Somaliland waxa uu salka ku hayaa qaylo dhaanta abaareed ee ka soo yeedhaysa shacbiga goboladaasi ku dhaqan oo abaar balaadhani ku habsatay dad iyo duunyo wixii ku noolaa deegaamadaasi.

DSC_0105

Safarkan oo ujeedadiisu ay tahay sidii uu madaxweynaha qaranka Somaliland ugu kuurgeli lahaa xaalada guud ee dadka iyo duunyada, iyo sidii wax loo gaadhsiin lahaa dadka iyo xoolaha tabaalaysan ee la tiicaya haraadka, gaajada, dhaxanta iyo hayaanka qofba meel ku qabsatay ee ay la daala-dhacayaan reer guuraaga ku dhaqan gobolada Saaxil, Togdheer, Sanaag, iyo Sool oo iyagu ah dadka madaxweynuhu u gurmaday ee u fadhiga uga kacay sidii loo badbaadin lahaa dad iyo duunyo Ilaahay ayaa wax badbaadiyee.

 

Madaxweynuhu markii uu gaadhay gobolka saaxil waxa uu kulan degdeg ah la qaatay guddida heer qaran iyo heer gobol ee abaaraha dalka oo si wada jira madaxweynuhu uga dhegaystay xaalada guud ee abaaraha gobolkaasi inta ay baaxad ahaan leegtahay iyo sida wax loo gaadhsiin karo iyadoo guddiduna warbixin waafiya ka bixisay halka xaal marayo iyo sida wax looga geysan karo arrintaa.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

 

 

markii kulankaasi soo dhamaaday waxa saxaafada si wada jira ula hadlay afhayeenka madaxtooyada, Mudane Deyr oo sheegay in ujeedada kulankani ay la xidhiidho ujeedada safarka madaxweynaha ee xaalada abaarta waxaanu ku soo dhaweeyey sheekh Cabdiraxmaan Axmed, oo ku hadlayey afka gudida heer qaran ee abaaraha Somaliland, waxaanu sheekhu yidhi”ugu horayn waxaynu Ilaahay ka baryeynaa inuu abaarta inaga soo jebiyo, xaalad adag ayaa jirta oo sii adkaanaysa, cabashada iyo qayla-dhaantu maalinba maalinta ka damaysa aad ayey u sii adkaanaysaa, guddiduna intii hawshani soo korodhay waxay qabatay hawl aad u balaadhan waxaana aanu isla go’aansanay in aanu soddon kun oo qoys (30,000 Family) oo taakulo degdeg ah aanu gaadhsiino, goboladan ay masiibada abaartu ku habsatay gaar ahaan afarta gobol ee Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool,”.

 

 

Waxaanay weftiga Madaxweynuhu u boqooleen dhinaca gobolka Togdheer iyadoo si weyna loogu soo dhaweeyey degmooyinka iyo tuulooyinka u dhexeeya labadaa gobol oo madaxweynuhu uu u degayey dadweyne tiro badan oo isugu soo baxay goobahaasi kana muuqato qiiro waddanimo iyo inay la wadaagaan madaxweynahooda dareenka waddanimo ee uu ugu kuurgelayo xaalada shacbiga iyo duunyada abaartu barakicisay ee habqanka iyo kala daadashadu ku dhacday ee u baahan gacanta madaxdooda, ganacsatadooda, dadkooda, iyo cidii taakulo ka geysan karta xaaladooda wakhtigan ee uu ugu Β sareeyo madaxweynaha qaranku.

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram:Β @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here