Boobkii Kheyraadka Dabiiciga ah ee JSL oo dib ubilaabmay iyada oon shacabka loo soo bandhigin faa’idadii Qandaraasyadii 12-ka shirkadood ee hore liisamada loo siiyey. qalinkii A/rahman Fidhinle UK

0
911
Shirkadaha shidaalka ka baadha JSL oo gaadhaya ilaa 12 shirkadood ayaa wada haysta Liisamo  kala duwan oo aan sharciga la soo marin.  Waxaana ay degaano badan oo daaqsinta xoolaha ku wanaagsanaa ay uqaybsadeen BLOCK -by Blocks, Waxaa hadaba shirkadahaa oo lacag fara badan xaqal qalin ubixiyey ay ku dhawaaqeen in loo sameeyo Ciidamo nabadgelyadooda ilaaliya oo loo bixiyey Oilfield Protection Unit (OPU )  Ciidankaas oo ay ku bixiyeen shirkadahaasi $ 25-Million oo Dollar.
 Qaar ka mid ah shirkadahaa ayaa dhawaan ka shaqo geli doona degaano ka mid ah Somaliland intaan Liisamadaa qarsoodiga lagu siiyey aanay ka dhicin.

Waxaa Xukuumada Siilaanyo  Fadeexad qaawan iyo ceeb ugu filan lacagihii Mallaayiinka Doolar ahaa ee xaqal-qalinka ahaa ee ay hore uga qaateen Shirkadihii sameyska ahaa ee Sahaminta shidaalka dhulka iyo badda Somaliland oo ay ugu horeyso Genal Energey iyo shirkadaha kale ee DNO, ASDAN, RAC-GAAS, AVEAL, ASANTI OIL, DOPHIN ENERGY, STERLING ENERGY, JACKA RESOURCES, BETRO SOMA, EAST AFRICAN RESOURCE GROUP iyo Shirkada Chineska ah ee Buuraha Simoodi macdanta ka xaalufiya, kuwaas oo aan dhamaan Golaha Baarlamaanka la hor keenin si ay u ansixiyaan oo shahaadad maalgashi oo sharci ah  u siiyaan.

 

Waxaan hadaba la yaabay maanta Wasiirka Macdanta iyo Tamarta  JSL oo la ogaa Ceebtii iyo fadeexadii ka gaadhay 2013 kii markii shirkadii Genel Enery ay dalka baxday

isaga oo laba sanadood iyo badh aamusnaa oo aan shacabka Somaliland aan marna u soo ban dhigin una sheegin Faa’idadii uu Qaranku ka helay 12-ka shirkadood ee kor ku taxan in uu hadana shacabka reer Somaliland oo ka aamin ka baxay uu la soo hor fadhiisto waqti ay xukuumadiisu sii dhacayso oo uu yidhaahdo ” Waxaanu idiin wadaa shirkad kale oo Chines ah oo la idhaa PGP-INK oo ah shirkad weyn oo sahamin doonta shidaalka beriga ee dhulka Somaliland ”  Doobir baa lagaa yidhi ! .

 

Waxaanu leenahay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta JSL – mudane Wasiir si laguu aamino Xageey ku danbaysay lacagtii $ 25 Million ee doolar ee ciidamada Oildfeild Protection Unit lagu soo  qoraayey mase qorteen  Ciidankii ??

– Xageey ku danbeysay lacagtii shirkada Genel Energy qiratay in ay dalka dib ugu celisay ee gaadhaysay $ 45 Million ee dollar  ??

–  Meeday  lacagihii xaqal qalinka ahaa ee shirkadaha tirade badan aad ka qaadeen,  mase ku dhacday lacagtaasi Khasanada dawlada  ??
1- Waxay aheyd in xukuumadu ay Sameyso Sharciyadii, xeerarkii iyo xeegaanadii  Shidaalka iyo macdanta dalka lagu hagi lahaa intaan Liisamada la bixin.

 

2- Waxay aheyd in Heshiisyada Xukuumadu la gasho Shirkadaha Shidaalka iyo macdanta,  in Golaha Baarlamaanka laga ansixiyo oo la xalaaleeyo.
Maadaama aanu dalku laheyn  sharciyadii ilaalinaayey Bay’ada ( environmental protection policy)  Waxay shirkaduhu si sahlan oo aan la dareemeyn ay cagta u marinayaan dhul daaqsimeedka dalka  taas oo Saameyn taban ku yeelaneysa Xoolo dhaqatada, beeraleyda iyo guud ahaan noolaha kala duwan ee degaanadaa ku nool.

Gunaanad: Somaliland waa dal yar oo curdin ah oo aan weli la ictiraafin, Waxaana uu ku dhismay Beelo isu yimi oo cahdi wada galay oo isku tashadey iskuna raacey in ay noqdaan dal ka madax banaan SOMALI WEYN.Waxaana  beelahaa isu tegay ku heshiiyeen in ay noqdaan Dal iyo Dad mideysan oo wax wada yeesha si ay wadankooda u-dhistaan.Waxay ku heshiiyeen in ay yuhuunta dalka u sinaadaan, waxay ku heshiiyeen in anfaca, agabka mansabka, maganta, macdanta, maquunada  iyo ilaha dhaqaalaha ee wadanka oo dhan ay si cadaalad ah  u wadaagaan. Laakiin taasi may dhicin maanta oo musuq-maasuqii iyo qaraabo kiil kii ayaa dulaca furtay oo qabyaaladii ayaa bacrimtay, Waxaana la isu sameysanayaa hada Saraakiil gaar ah,Sharciyo gaar ah, Ciidamo gaar ah sida Oilfield Protection Unit ( OPU ) Waxaana dhawaan la isu gashan doonaa Shaadh-dhadh Cas –Cas lagana yeeli maayo Xukuumad ku meel gaadh ah oo waqtigeedii uu dhacay oo Maandhaytkeedii uu shacabku siiyey dhamaaday in ay dalka iyo dadkaba  XOOG iyo XEELAD ku sii haysato.

 

Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here