Maayir Mooge oo Amar Culus Ka Soo Saaray Lacagaha La-siiyo Ajaaniibta

0
1550
maayir-mooge-oo-amar-culus-ka-soo-saaray-lacagaha-la-siiyo-ajaaniibta

Hargeysa (Hargeisa Press) – Maayirka magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa waxaa uu amaro culus ka soo saaray lacagaha sadaqada ah ee la siiyo dadka ajaaniibta ah ee ka dawarsada dalka Somaliland.

Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa waxaa uu dhamaan ganacsatada kala duwan ee Somaliland uu ku amray in lacagaha sadaqada ah ay ka joojiyaan dadka ajaaniibta ah.

Maayir Mooge, ayaa sheegay in lacagaha la siiyo dadka ajaanibta ahi ay Somaliland ku soo hogaamiyeen qulqul muhaajiriin ah, oo soo doonta lacagaha sadaqada ah ee ay dadku la baxaan.

“Dad aynaan garanayn oo aan waddankan u dhalan aya iyaga oo xad dhaaf ah ay isku soo tilmaamaan waddankan, oo ay yidhaahdaan waa waddan, waddooyinka iyo bakhaarada lacagta lagu dhex qaybiyo” ayuu yidhi maayirka Hargeysa.

Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sheegay in waraaqo amar ah uu u gayn doono ganacsatada bakhaarada leh oo iyagu sadaqada ugu badan siiya dadka soo galootiga ah oo u badan Itoobiyaan, Suuriyaan iyo Yemeni, waxaanu sheegay in lacagahaasi ay u baahanyihiin dadka muwaadiniinta ah.

“Qofka in dhiban oo jaarkiisa ah oo uu hebel hebel u yaqaano ayaa jira, kunka ha urruriyo 30 kun markay gaadhana reerka jaarkiisa ee baahan ha siiyo, bakhaarku ha joojiyo, warqaduhuna way u imanayaan, lacagta uu subixii u qaybinayo dadka soogalootiga ah” ayuu yidhi Cabdikariin Axmed Mooge.

Si kastaba, hadalka Maayirka Hargeysa, ayaa dood ka dhaliyay baraha bulshada iyadoo dadka qaar aad uga soo horjeesteen, kuna tilmaameen wax aan shaqadiisa ahayn, waxayna ku doodayaan in diintu ay amartay in dadka muhaajiriinta ah lasiiyo sadaqada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here