Maamulka Gobalka Maroodi Jeex oo Kulan Soo Dhaweyn Ah U Sameeyay Dafcadii 3aad Ee Barnaamijka Shaqo Qaran

0
1404

Hargeysa (Hargeisa Press) – Maamulka gobolka Maroodi Jeex, ayaa xalay waxaa ay munaasibad casho sharaf ah ku maamuuseen Dufcadii 3aad ee ka Aflaxda barnaaamijka Shaqo Qaran.

Munaasibadan casho sharafta ah oo ka dhacday Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Guddoomiye ku xigeenka gobolka, Wasiirka Isgaadhsiinta, Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyadda, Agaasimaha guud ee wasaarada Ganacsiga, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Masuuliyiintii kala duwanayd ee munaasibad ka soo qayb gashay, ayaa halkaasi hadalo isugu jira dardaaran iyo guubaabin u jeediyay dhalinyarta ka aflaxday barnaamijka Shaqo qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here