Golaha Ammaanka oo Cambaareeyay Tallaabo Ay Qaadday Dowladda Turkigu

0
641

New York (Hargeisa Press) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa Jimcihii cambaareeyay qorshaha ay dowladda Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha Turkish-ka ah ee waqooyiga Qubrus ku doonayaan in ay qeyb ahaan dib ugu furaan magaalada cidlada ah ee Varosha, wuxuuna Goluhu ku baaqay in si dhakhsa ah tallaabadaasi looga laabto.

Maamulka Turkish-ka ee Qubrus oo ay Ankara taageerto, ayaa Salaasadii sheegay in qeyb ka mid ah magaalada Varosha oo ah aag milateri iyo qeyb la sheegay in dib loogu celiyo Qubrus-ta Giriigga ah ay hoos geyn doonaan maamul rayid ah, islamarkaana ay u furi karaan dib u dejin.

β€œGolaha Ammaanku waxa uu si degdeg ah ugu baaqayaa in dib looga laabto tallaabadan iyo dhammaan tallaabooyinka ku saabsan Varosha ee la qaaday ilaa bishii October ee 2020-kii,” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay golahan ka kooban 15-ka dal.

Tallaabada ay qaadeen Qubrus-ta Turkiga ah, ayaa sababtay fal-celin cadho leh oo ka timid dowladda caalamku aqqoonsan yahay ee Qubrus-ta Giriigga ah, waxaana sidoo kale diidmo kala horyimid quwadaha reer galbeedka, oo uu ugu horreeyo Mareykanka oo ku tilmaamay tallaabadan β€œmid aan la aqbali karin.” Turkiga, ayaa dhegaha ka fureystay dhaliilaha loo jeedinayo.

β€œGolaha Ammaanku waxa uu hoosta ka xarriiqayaa baahida loo qabo in laga fogaado ficil kasta oo hal dhinac ah oo aan waafaqsanayn go’aannadii Golaha, taasi oo xiisad ka abuureysa jasiiradda islamarkaana waxyeellaynaysa rajada laga qabo in heshiis la gaadho,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Golaha Ammaanka.

Qybrus, ayaa Arbacadii codsi ka dhan ah go’aanka uu qaaday maamulka Qubrus-ta Turkish-ka ah u gudbisay Golaha Ammaanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, ayaa diiday baaqa ka soo baxay Golaha Ammaanka iyo dalal kale oo dhowr ah, waxayna sheegtay in ay yihiin sheegashooyin aan sal laheyn, islamarkaana aan waafaqsaneyn xaqiiqoyinka ka jira Qubrus.

β€œBayaannadani waxa ay ku saleysan yihiin dacaayadda Qubrus-ta Giriigga ah, iyo sheegasho aan sal laheyn,” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay Turkiga.

REUTERS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here