“Isha Burco diin laguma haysto ee waa dagaal dhaqaale oo Khamiis Loo soo xidhay”…

0
385

Burco (HP): Maamulka dawladda hoose ee Burco iyo guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista ee magaaladaasi ayaa isla qaatay in aan wax bandhig faneedyo ama cawaysyo ah lagu qaban karin hudheeladda magaaladaasi.
Tallaabadaasi ayaan ahayn mid ku cusub magaaladda Burco, balse waa mid hore uga hirgashay magaaladaasi.
Hase yeeshee waxaa amarkan joojinta bandhiyadda ah soo cusboonaysiiyay kadib markii habeenkii Ciidda bandhig suugaaneedyo fanaanniini ka heesayeen lagu qabtay Burco.
Waxaana arrintaasi ka cadhooday guddiga wanaag farista Burco, kuwaasoo maayarka Burco ku qasbay in la joojiyo hawlaha noocaasi ah.
Hadaba, Jaamac Maxamuud Aadan, oo ku magac dheer Jaamac-karaaciin, oo ka mid ah ganacsatadda hudheeladda ku leh Burco ayaa tallaabadaasi si weyn uga soo hor jeestay.


Jaamac Karaaciin, ayaa ah ciyaartooy caan ah oo dhinaca Kubbadda Cagta ah, isla markaana ka mid ah mulkiileyaasha Burco ku leh hudheeladda.
Waxaanu sheegay inuu maalgelin balaadhan oo horumar ah ku soo kordhiyay magaaladda Burco, balse horumarkii uu keenay ay ka soo hor jeesteen xubno uu Waddaado ku tilmaamay.
Jaac Karaaciin, oo Burco ku leh hudheelka loo yaqaano Isha Burco, isla markaana bandhig faneedkii habeenkii dhawayd lagu qabtay hudheelkiisa ayaa dhacdadani ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan shaqsiyaad danno gaara leh.

Qoraal uu arrintaasi kaga hadlayay oo uu Jaamac Karaaciin, caawa soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ku yidhi, “Nina Dhuunii buu Kuu dhex joogaa, Nina dhaqashuu Kuugu Dhabar jabay”…

Waxaan Arkayay Wadaaddo Ka Fal-celinaya Caweysyada Isha Burco Ka Dhaca, Waxay Il-duufeen Baahida taala Gobolkeena Waxay Dano gaara Iyo Aragtidoona Kaga Hadlaan Baydka Ilaahay Oo Ay Ganacsigooda Ku ilaashadaan.

Waxaan ku dhiiraday In Burco Hesho Horumar La Tartamaya magaalooyinka Kale, Waxaan Ka hirgeliyay Goboladda Bariga Iskuulo Hotelo Iyo Goobo Sports Oo Horumarka La talaabsanaya,

Waxaad aragtaan Hooyooyin Ooyaya Oo Duruufaha Nolosha La Ildaran Iyo Hablo Kufsi Iyo Dil laysugu Darayo Maalina Wadaadda Burco Kama Hadlaan”.

Geesta kale Jaamac Karaaciin, waxa uu intaas raaciyay in u jeedadda ka danbaysa in hudheelkiisa laga mamnuuco qabashadda cawaysyadda ay la xidhiidho danno dhaqaale iyo ganacsi.
Waxaanu yidhi, “Anigu waxaan qabaa, wuxuu sharciga dalka u yaalaa qabo, Bandhigyada, Caweysyadda iyo kulamadda dadweynuhuba way ka dhacayaan Isha Burco,

Isha Burco diin laguma Haysto, Xumaana Laguma sameeyo Ee Waa Dano ganacsi Iyo Dagaal dhaqaale Oo Khamiis Loo soo xidhay.
Waxa Jira In isha Burco Tahay Rug kulmisa dhalinyaradda Burco Aqoon yahankeeda Iyo Qurbajoogeedaba Taas Oo Baahi badan kaafisay.
Burco waxay noqon doontaa Meel wadaadadu Lafaha Ku cunaan Ama Magaalo La laafyoota dhigeed” ayuu ku yidhi qoraalkiisa Jaamac Karaaciin.

Ugu danbayn, Jaamac Maxamuud Afan Karaaciin, ayaa ugu baaqay cid kastoo jecel horumarka dhalinyaradda Burco in ay ka qayb qaataan garab istaagoodda.
“Ugu danbayntii Waxaan Farayaa Cid kasta Oo Burco rajo ka qabta Inay Horumarkeeda ka qayb qaataan  Dhalinyaradana Garab Istaagaan” ayuu ku soo gebagabeeyay Iaamac Karaaciin.

Wa Bilaahi Towfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here