London: Kulan Dhexmaray Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Hay’ddaha Ka Shaqeeya Caafimaadka

0
359

London (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr: Maxamed Cabdi Xergeeye iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka boqortooyada Ingiriiska, ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Hay’ddaha iyo Jamacadaha ka shaqeeya Caafimaadka.

Jamacadahan ay la kulmeen weftiga Agaasimaha, ayaa waxaa ka mid ahaa, Kings Global Partnership, Jamacada London School of Hygiene and Tropical Medicine iyo University of London, Save the Children UK, iyo kuwo kale iyaga oo dhamaantood ay madaxdoodu goob joog ahaayeen.

Agaasimaha iyo weftiga uu hoggaaminaayey waxay ugu horrayn xafiiskooda kula kulmeen Kings Global Partinership oo wasaaradda la shaqaynayeysay mudo dheer imikana ay wasaaradda ka wada shaqeeyaan tayeynta Adeega Caafimaadka gaar ahaan adeega lagu bixiyo Cusbitalaalada dalka iyo badqabka bukaanka oo hada ka socda lixda cusbitaal gobol ee Somaliland.

Kulankan, waxa lagaga wadahadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta, horumarinta iyo tayeynta adeeg bixinta iyo badqabka Bukaanada.

Kulamada ay yeelanayaan weftiga Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa sii socon doona, iyadoo ay qorshaysan tahay inay la kulmaan Hay’addo iyo Ururo kale oo qaarkoodna wasaaradda la shaqeeyaan kuwa kalena imika ay la bilaabi doonaan wada shaqaynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here