Madaxweyne Biixi oo Cayimay Wakhtiga Qabsoomida Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada

0
1431
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta wareegto Madaxweyne uu ku soo-saaray Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Madaxtooyada iyo ta Xisbiyada qaranka.

Madaxweynaha, ayaa waxaa uu wareegtadiisa ku cayimay in ay doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranku ay dhici doonto 13.11.2024.

Sidoo kale, Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa maalinta berrita ah ku dhawaaqi doona liiska rasmiga ah ee codbixiyeyaasha doorashada Somaliland.

Hadaba Wareegtada Madaxweynaha, ayaa u dhignayd sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu ku soo-saaray Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 24/042024

Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka

Markaan Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:  Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;

Markaan Helay; Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka;

Waxaan Soo-saaray;

In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here