Lawyo-Caddo: Ciidanka Booliska Dalka Djibouti Oo Awood Kula Wareegay Alaab Ay Leeyihiin Ganacsato Reer Somaliland Ah Iyo Magaca Deegaanka Ay Ciidanku Soo Galeen Oo Xuduuda Somaliland Ku Taala

0
1183
Police Djibouti

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Wararka nasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in ciidanka Booliska dalka Jabuuti ay xadka Somaliland gudaheeda ganacsato Reer Somaliland kala wareegeen alaab ay siteen kuwaas oo ciidanku ku qabtay ganacsatadan meel aan ka fogayn magaalada Lawyocado.

Ganacsatadan ay ciidanka dalka Jabuuti kala waregeen alaabtoodii ayaa ah ganacsato ka ganacsada Sigaarka,waxaana ay ciidanku alaabta ganacsatadan kula wareegeen deegaanka Gooryaale oo qiyaastii 15Km galbeed kaga beegan Lawyocado ee xuduudka Somaliland,waxaana ay ciidanku sidaasi kula waregeen alaabtii oo ku jirtay Kartoono.

Waxaana ciidankan oo watay laba gaadhi isla markaana dhamaa 40 askari sida naloo sheegay ayaa waxay dul yimaadeen alaabtii oo ay ilaalinayaan inamo ay kaga tageen ganacsatadu,waxaana ay qasab ciidanku ku qaateen alaabtii oo ahayd sigaarka loo yaqaano Benson iyo Hedges.

Intaasi kadib ayay inamadii ilaalinayey alaabta ayaa waxay diideen inay ciidanku qaataan alaabta intaasi kadibna ciidanka ayaa rasaas ku furey inamadaasi wallow aanay cidd waxba ku noqon,waxaana ay ciidanku alaabtii ku gurteen gawaadhidoodiiΒ  iyaga oo la galay dhankaa iyo xuduuda Jabuuti.

Mar aan waydiinay bulsho ku dhaqan deegaanka Lawyo-caddo inay alaabtan ay ahayd Alaab si qarsoodi ah loo soo dhaafiyey kaantaroolka Jabuuti ayaa waxay noo sheegeen in ay ganacsatadani haystaan sharciyadii ay kusoo cashuureen alaabta balse ilaa hadda aan la garanayn sababta ay ciidanku ugala wareegeen alaabtaasi ganacsatada.

Waxaana la sheegay in ganacsatadii alaabta la ahayd ay aaadeen dhankaa iyo dalka Jabuuti si ay xukuumaddaΒ  jabuuti ugala soo hadlaan alaabtoodan ay ciidanku sida awooda ah ula wareegeen,ilaa hadda se lama garanayo halka ay ku danbayn doonto kiiskani.

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here