Lacagtii Somaliland Ku Caawisay Beledweyne Oo Biyo-xidheen Lagu Dhisayo

0
870

Beledweyne (HP): Guddoomiyaha guddiga taakulaynta Beledweyne ee Somaliland ayaa maanta ku wareejiyay guddiga gurmadka fatahaadii Beledweyne ee dalka Soomaaliya lacag dhan 600,000$.

Lacagtaasi oo laga soo ururiyay ganacstadda reer Somaliland iyo qayb ay bixisay xukuumadda Somaliland ayaa isla maanta la dhagax-dhigay biyo-xidheenka lagu dhisayo.

Iyadoo guddiga Somaliland ka socdaa ay shalay gaadheen magaaladda Beledweyne, isla markaana maantaba la dhagax-dhigay meesha laga bilaabi doono dhismaha biyo-xidheenkaasi.

Xafladii wareejinta lacagtaas oo maanta ka qabsoontay magaaladda Beledweyne waxaa goob joog ka ahaa maamulka gobolka Hiiraan, madax dhaqameed iyo guddiga gurmadka fatahaadihii Beledweyne.

Waxaana la sheegay in 200,000$ oo ka mida ah lacagtaasi loo qoondeeyay in loo qaybiyo dadkii ay fatahaadu saamaysay ee aan weli waxba helin ee  ku sugan magaaladda Beledweyne.

Halka 400,000 oo ka mid ahna loo leexiyay in lagu bilaabo dhismaha mashruuca biyo-xidheenka Beledweyne.

Sida uu sheegay Jamaal Caydiid Ibraahim, guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland ahna guddiga taakulaynta Beledweyne ee Somaliland, oo weftiga Somaliland ka socda hogaaminayay.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu isla garanay, anaga iyo guddiga taakulaynta Beledweyne ee Soomaaliya, maayarka iyo badhasaabka Beledweyne iyo odayaasha dhaqanka-ba, in lacagtaasi looga faa’iideeyo, in Beledweyne lagaga duwo, biyaha webiga ee ku fatahaya, oo loo sameeyo, meelihii ay mari lahaayeen”.

Jamaal Caydiid, waxa kaloo uu sheegay in Somaliland ay nasiib u yeelatay in lacagteedda lagu bilaabo mashruuca biyo-xidheenka Beledweyne.

“Waxaa lagu qiimeeyay (Visibility study) daraasad lagu sameeyay lacagta ku baxaysa biyo-xidheenkaasi 7 milyan iyo dheeraad.

Waxaana nasiib u helay in lacagtaas bilaabaan jamhuuriyadda Somaliland, madaxweynaheedda iyo shacbigeeduba, in ay 400,000$, ku bilaabaan, kuna dhagax-dhigaan saaka mashruucani lagu furro”ayuu yidhi guddoomiyaha guddiga gurmadka Beledweyne ee xukuumadda Somaliland.

Dhinaca kale guddoomiyaha guddiga fatahaadda Beledweyne ee Soomaaliya Xaaji Cismaan Dhagaxow, ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan lacag dhan 530,000$. Taasoo loogu tallo-galay mashruuca biyo-xidheenka Beledweyne.

Waxaanu carabka ku dhuftay in ay jiraan dawladdo balan-qaad hore ugu sameeyay oo aan weli waxba laga haynin, sida Jabuuti iyo dawladda federaalka Soomaaliya laf ahaanteedda.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “In gurmad na loola soo carraro iyo raashin, waxaa ka wanaagsan, in dadkan iyo mustaqbalkoodda laga shaqeeyo.

Lacagaha maqan, dawladda federaalka Soomaaliya lacagtii ay balan-qaaday oo 500,000$ ahayd, ma hayno anagu ka guddiga gurmadka haddii aanu nahay. Iyadoo noo jirta 300KM, ninka wax kuu keeni waayay.

Jabuuti, iya-na 600,000$ ayay balan-qaaday, welina ma hayno. Waxaanan leenahay Jabuuti haku soo biiraan taakulaynta, haddii ay reer Beledweyne abaal ku leeyihiin, oo ay wax u qabanayaan, maanta ayay dhulka jiifaane, haka qaadaan ayaan leenahay”.

Waxaanu intaas raciyay, “Shirkadaha kale waxaan leeyahay, shirkadda Dahabshiil, waxay ku dhiiranaysaa oo ay balan-qaadeen in ay yihiin, lanbarka koowaad ee ka qayb qaadan doona, fulinta mashruucani.

Way balan-qaadeen, anaiga ayaana hadda idiin balan-qaadaya, oo wakiil idiinka ah”ayuu yidhi Xaaji Cusmaan, guddoomiyaha gurmadka fatahaadihii Beledweyne.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here