“Wershadaha dalkeenu waxay soo saaraan sharaabka biyaha iyo Bacaha”…

0
639

Hargaysa (HP): Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire,  ayaa sharaxay sida loogu baahanyahay in la hello dad farsamo yaqaano ah oo ka shaqeeya wershadaha dalka ka jira.

Waxaanu sheegay in wadamadda caalamka wadan-ba wadanka uu ka hodan sanyahay uu ka Wershado badan yahay, isla markaana ka wax soo saar badanyahay.

Taasoo tusaale u ah ahmiyadda iyo qiimaaha ay qaranka u leeyhiin Wershaduhu, iyadoo wershaduhu ay yihiin meelaha ugu tayada badan ee wax soo saarka qofka ka shaqeeya wershadaha uu uga mushahar badan yahay qofka ka shaqeeya meelaha kale.

Wasiir Sacad Cali Shirre, oo khudbad maanta ka jeediyay madashii lagu daah-furayay carwadda wax-soo-saarka wershadaha Somaliland, waxa uu tilmaamay in wershadaha ku yaalla Somaliland ay tiradoodugaadhayso  27 Wershadood.

Sacad Cali Shire oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Wadan-ba Wadanka uu ka hodan sanyahay ee ka Wershado badan yahay, ayuu ka wax soo saar badanyahay. Taas ayaa tusaale u ah ahmiyadda iyo qiimaaha ay qaranka u leeyhiin Wershaduhu.

Wershaduhu waa meelaha ugu tayada badan ee wax soo saarka qofka ka shaqeeyaa Wershadaha wuu ka mushahar badan yahay qofka ka shaqeeya meelaha kale. Faraqa u dhaxeeyaana waxa uu kuu tilmaamayaa tayada wax soo saarka Wershadaha.

Wershadaha dalka ka jiraa, waa  27 Wershadood, daraasad la sameeyay sannadkii 2015-kii ka hor waxa ay ahaayeen Warshaduhu 25 Wershadood.Markaa guud ahaan afartaa Sannadood laba Wershadood ayaa inagu soo biiray”.

Geesta kale wasiir Sacad Cali Shire,  oo hadal kiisa sii watay ayaa tilmaamay in uu gaabis ku jiro korodhka wershadaha Somaliland, iyadoo wershadaha yar yar ee dalka ku yaalla badankoodu ay soo saaraan cabitaanadda.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Markaa waxaad moodaa in uu gaabis ku jiro xawliga ay ku korayaan Wershadaha dalka laga hirgalinayaa.

Waxaana boqol kiiba konton (50%) ay soo saaraan Wershaduhu sharaabka iyo Biyaha. Halka boqol kiiba 29%  ay soo saaraan Bacaha.

Waxaynu u baahanay,  haddii aynu nahay dawladda in aynu yeelano qorshe u gaara Wershadaha,  oo Xoojinaya,  oo tilmaamaya sannad walba inta Wershuduhu ku kordhiyaan,  ee ku soo biirinayaan dhaqaalaha dalka”.

Dhinaca kale wasiir Sacad, uu soo jeediyay in loo baahan in hoos loo dhigo dhaqaalaha ku baxa marka la bilaabayo wershadaha dalka ku yaalla.

Sidoo kale-na loo baahan yahay in la hello dad farsamo-yaqaano ah oo ka shaqeeya wershadaha.

“Waxaynu u baahan-nay in hoos loo dhigo dhaqaalaha ku baxaya marka la bilaabayo Wershadaha. Waxaana ka taagan xagga farsamada cabasho badan.

Waxaanan u baahan-nahay sidii aynu u soo saari lahayn dad farsamo yaqaano  ah oo ka shaqeeya Wershadaha”ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shirre.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here