Somaliland: Xildhibaan Dhaliilo U Jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga UCID

0
510

Hargaysa (HP): Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo ka mid ah golaha Wakiiladda Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

Waxaanu ku eedeeyay guddoomiyaha UCID in uu dadka ku dhiiri gelinayay in baarlamaanka xaruntoodda loogu daato.

Tallaabadaasoo uu xildhibaaku  ku tilmaamay mid sharci darro ah, isla markaana ay meel ka dhac ku tahay qaranka.

Siciid Cartan Cismaan, oo maanta weriyaasha kula hadlay Hargaysa,  waxa kaloo uu ka hadlay taladii ay soo saareen gudidii dhexdhexaadinta asxaabta iyo xukuumadda oo uu sheegay in taladooda loo eegayo sharciyadda qaranka.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxa uu dadka ku dhiiri gelinayay Faysal Cali Waraabe, in baarlamaanka loo daato. Taasina waxay sharci darro iyo meel ka dhac ayay ku tahay qaranka.

Waxaanu hilmaansan yahay tiradii ugu yarayd ayuu ka helay Faysal Cali Waraabe, doorashadii madaxtooyadda.

Waxaanan leeyahay baarlamaanku sharciyad ayuu ku joogaa iyo ta uu ku yahay 15 sanno guddoomiyaha xisbiga UCID”.

Geesta kale xildhibaan Siciid Cartan, ayaa sheegay in sharciga loo raacayo tallo soo jeedintii ay soo saareen gudigii dhexdhexaadintu.

“Odayaashii is xil qaamay go’aan may soo saarin, ee waxay soo saareen tallo soo jeedin ayay ahayd. Waanay ku mahadsan yihiin.

Waxaana loo akhriyayaa tallo soo jeedintaasi, xeerarka iyo sharciga qaranka u yaalla, wixii aan sharciga waafaq-sanayn-na, waa waxba kama jiraan”ayuu yidhi xildhibaanku.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here