Komiishanka Dooroshoyinka Somaliland oo Sameeyey Tijaabada Sadexaad Ee Diiwaan Gelinta

0
619

Hargeisa (Hargeisa Press)- Koomiishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa waxa ay maanta si rasmi ah u bilaabeen tijaabadii sadexaad ee hanaanka farsamo ee qalabka diwaan gelinta.

Koomishaanka doorashooyinka Somaliland ayaa waxa ay sidoo kale ay tijaabiyeen qalab casri ah loo adeegsan doono tijaabinta sadexaad.

Tijaabadan sadexaad ayaa waxa ay kuwii hore kaga duwan tahay oo la tijaabinayaa Isgaadhsiinta isku xidhaysa goobaha diwaan gelinta iyo xarunta dhexe ee Koomiishanka Doorashooyinka.

Waxaa kulankan goobjoog ka ahaa Gudida Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland, Masuuliyiin ka socda Xisbiyada KULMIYE, UCID, WADDANI iyo Ururada aan dawliga ahayn.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here