Kulmiye waa xusbi ay qabiilnimadu ay biyo dhigtay. Cali kubad

0
955

Maxay wadaagaan Xukuumada Kulmiye iyo Carabta Badowiyiinta ahi? Maahmaah baa jirta Carabta Badowda ah, ee saxraaga ku nooli ay leedahay oo ah “Anigu waxaanu is haynaa walaalkay, aniga iyo walaalkayna waxaanu is haynaa inaadeerkay, labada yada walaalo ah iyo inaadeer koodna waxay is hayaan qofka intaas kasii shisheeya”, oo micnaheeddu yahay inaadeer labaad iyo inaadeer saddexaad ilaa inta aynu Somaliland ka baxno, ay is hayntu Oromo iyo cid ka fog innala geleyso waa mashi xaal, waa ha socoto.

 

Xusbinimo iyo reernimo meel wada galaan. Reernimadu waa hab dhaqan ku salaysan meel aanay ka jirin dawladnimo. Reernimada haddii xoolahaaga la dhacay tolka ayaa ku dhicinaya, haddi dhibaato dhaqaale xumo kugu dhacdo reerka ayaa kaalmo ku ururinaya, haddii aad dhagar ama dhibaato qof u geysato reerka ayaa magta kaa bixinaya. Saaxiib kale oo aan inaadeerkaa ahayn ma lihid, qof kastoo kale waa kuu shisheeyey. Cadowgaagu waxa laga yaabaa inuu noqdo inaadeerkaaga tobnaad oo aad beri ay abaar xumi jirtey aad isku maan dhaafteen “geeleyga baa kaaga kor cabaya”. Markaas baa gabay yar la isu tirinayaa, oo la isu baanayaa oo lagu faanayaa “ma arkeysey sidaynu 20 nin uga dilney ilmaadeeradeenii tobnaad, iyo bagga iyagaa afkooda xun haysan waayey”. Reernimadu waa dhaqanada ugu hooseeya ee la isku maamulo ee uu Bani’Aadamigu soo maray. Dee waa qofkaas cadowga mar u haysta walaalkii, marna inaadeerkiisa kowaad, marna inaadeerkiisa tobnaad.

 

Qaranimadu waa cakiska qabyaalada, xusbinimaduna waxay tol ka dhigtaa dadyow dal wada leh. Dadkaasi waxa laga yaabaa inay isku af yihiin, oo isku dhaqan yihiin,oo isku diin yihiin, oo isku midab yihiin. Waxa kale oo iyana laga yaabaa, inay kala af yihiin,oo kala dhaqan yihiin, oo kala diin yihiin,oo kala midab yihiin, oo goobtaas Ilaahay ku wada abuuray uun ay tahay waxa Keli ah ee ay wadaagaan.

 

Xusbinimadu waxay walaal kaaga dhigtaa oo aad dan-wadaag noqon kartaan, qof aan kula dhalan, ama aydaan isku afba ku wada hadal,ama aad kala diin tihiin, ama aad kala dhaqan tihiin,amaba aad kala midab tihiin, waayo waxa isu kiin keenay oo dadkaas oo dhan wadaagtaan waxa la yidhaahdo “Caqli iyo fikir guud oo aad wadaagtaan oo ay dantiinu ku wada jirto dalkana u fiican “. Markaas qaranimada xusbi qabyaaladeysan ku dhisani, waxay la mid tahay Hal bacaad lagu lisayo. Xukuumada xusbi Qaranimo aaminsan lagu dhisaa haday khaldaad yeelato, godobteeda waxa loo raacaa fikir oo la yidhaahdaa fikirkii xusbiga iyo straatijiyadii Xusbigu baa meel xun innagala dhacday ee aynu wax ka bedelno.

 

Laakiin khaladka ka dhasha xusbi reernimo lagu dhisay godobteeda waxa loo raacaa reerka oo dhan, sida hada jirta oo kale ilayn muraayada qabiilka ayaa wax lagu wada eegayaaye. Hada ogow oo dad badan oo talada dawlada aan gacanta ku hayn, baa reer ahaan godob aanay lahayn dusha laga saaraa, oo lagu odhanayaa dee sow reer Hebel iyo raggii dalka haystey kama ma tihid. Ilaahayow qiyaamaha rag aan ogahay timaha ha isugu kaayo xidhin. Ilaahayow Aaamiin

 

Waxa la yidhi guushuu boqol aabo ayey leedahay, guuldaraduna waa agoon iyo rajo. Waayo, qof waliba wuu jecel yahay inuu meel lagu guuleystey uu ka muuqdu, meeshase lagu jabo nin waliba waxuu odhanayaa ” aniga habartii la iguma haleeyo”, oo waa eed ka carar. Qabyaaladuna waa iska fikir caadifiyadeysan oo guushana jecel, guuldaradana neceb. Sanad iyo badh ka hor baan fasax ku imi Norway, markaas baa nin aanu asxaab ahayn oo aanaan muddo badan kulmin uu telifoon iisoo diray. Dalkii baanu iska waraysanay mar uun buu ugu yidhi “dawladna maaha ma dawladan labada garoon noo dhiibtey”, hada garo oo waxuu u jeedaa wasiirkii hore ee ciyaaraha iyo kii hore ee duulista oo uu wasiirada kale ee xaafada kasoo dhaweysanayo. Waxaan ugu jawaabey ama gooji ama ha goojin Geela guga dhalaya baa lagugu tirinayaa hebelow, oo aan uga jeedey dee dadyowgii kale ee reer Somalilandna waxay leeyihiin reer Jaamac-waal baa meeshii haysta oo ku dhoobeystey. Anigoo ninkaas la yaaban baa maalin dhexdaas ah oo odaygu wax kala bedeley, buu nin kale ila soo hadlay kuye ma ogtahay in awoodiihii uu wasiirkii hore ee madaxtooyadu haysan jirey in kan cusub laga qaaday, sida awoodii wadooyinka iyo protocolka iwm. Waxan hoosta iska idhi kabatolow adna ma halkaas baad ka fudkudisey, iyo tolow kan meesha la keenay ma lacag buu siin lahaa aanu kii hore siin jirin. Qabyaaladu waa aafadaas bilaa xuduuda ah.

 

Xukuumadan Kulmiye intii ay dalka haysey waxa muuqata inay qabyaaladii ay dabarka iyo seetadaba goosatay. Shirkii dhoweyd ee Xusbiga Kulmiye waad wada arkayseen inuu odaygu isugu yeedhay dadkii xaafadiisa ahaa ee xusbiga ku jiray, oo uu ku yidhi reer baynu wacad wada galnay ee iyana markooda kursiga saara. Cajiib. Kama aanan fileyn inuu odaygii dalka hogaaminayey uu qabyaalada durbaanka u garaaco. Waayo mar buu durbaankaasi xaafaada waalay, hadana godobta dawladiisa( ha ahaato eex,muusuqmaasaq, hanti boobis, ama sharci jebin kaleba ha noqotee) xaafada ayaa la huwin doonaa mid denbi leh iyo mid aan lahaynba, oo talo aanay xaafadu meel lagu gooyey iyo cid gooysey aan la garanayn, baa reerka dumada loo saari doono. Waxa fiicnayd inuu dhiig baxan qabyaaladeysan ee isugu mar kursiga ku fuulay, uu halkaas bireyga ugu qabto, si ay aafadaas lama filaanka ah ee dawladiisa lagala kulmay u soo afjaranto, Caduur-se weli uma eka ninay dhowdhowdu u dhacsan tahay.

Kulmiye waa xusbi cunsuriyad, caadifiyad, iyo dus dus reernimo ku biyo cabey, hadana mar labaad haweysanaya inay yidhaadaan qabiilinimo nagu doorta. Eebow Qaadir!

 

Waxaan la yaabaa marka aan la kulmo dad aan aqoon badan ii lahayn, ee ay igu yidhaadaan “adigoo xaafada odayga ah maxaa Xusbiga Waddani ku geeyey, iyo ilayn reer baad wacad la gasheene miyeydaan abaal lahayn”. Oo anigaygii Kubad ahaa baaba la sigay, Alle ha sahlo. Ilaahay naxriistii jano ha siiyee waxuu yidhi abwaan Gaariye ” Iska daa qabiiloo, Qarankeena oo idil, Qol yar baan u haystaa”. Waar bal aynu caruurta uun dadqalada iyo Orgomoyaashan qabiileysan ee Kulmiye ka ilaashano. ” Uf qabiilka anaa leh, waxuun baa ku adeegta,nin iskii kartidiisa, isagoon cid ku tiirsan, isku taagi karaynin, una haysta ateero,ayaantuu denbi geystana, laga hoos gala eeda”.

 

Gaariye (AHUN). Waxaan kusoo afmeerayaa, ninkii u han weyn hogaanka dalkow, hankaagu ha dhaafo reer hebel. Abwaan Laabsaalax. Waa markayagii iyo abaal baynu isku leenahay hadal iyo fikir dal lagu hogaamiyo maaha. Oo ma Yuhuud baynu iska xoraynay, inan reer Somaliland ah oo dhalad ah oo xisbi UDUB la yidhaahdo xogaaminayey baynu siyaasad kula beratanee, ma gumeyste inna haystey baad innaga dul kicisay?

 

Mahadsanid,

Calikubad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here