TACSI Tiiraanyo Leh Dhimashada Ka Dhalatay Labada Gaadhi Ee Isku Dhacay Gabiley Agteeda.

0
876

Inaa lilaahi waa inaa ilayhi raajicuun, naf waliba waa dhimanaysaa wakhti go’an ayay leedahay, goob cayimana way ku dhimanaysaa, allah tawfiiqda wanagsan haynoogu khatimo.

 

Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaanba Marxuumiinta ku geeriyooday shilkaas khasaaraha badan sababay ee ay ku dhinteen ugu yaran 14-ka qof kuna dhaawacmeen ilaa 9 qof, waxan ilaahay ugu baryaynaa in illaahay naxariistiisa jano ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka bexeena in ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Geeridu waa xaq, wax baajin karaana ma jiraan, hadana yadoo ay sidaas tahay waxa loo baahan yahay taxadar iyo digtoni aad u ballaadhan markaad tahay wade gaadhi, waayo waxa masuul kaa saaran yahay dadkaas aad gadhiga ku wado, waxa kale oo loo baahan yahay in aad loo hubiyo wadaha gaadhigu ma yahay wadihii ku haboonaa gaadhigaas mise waa qof gole ka fuulo oo maanta uun soo kaxaystay, yadoo ay jiraan waliba wadooyinka oo cidhiidha iyo gaadiidkii oo batay.

 

Wadooyin badan xukuumadu waa dhistay lkn ilaa iminka waxa dhiman oo meesha ka maqan shuruucdii wada marista iyo cidii ilaalin lahayd hadii lagu xad gudbo. Waayo maanta wada maristu waa bay u hoosaysaa qof ogaan si xun wadada ugu mara iyo qof aan aqoonba u lahayn qaabka uu wadada u marayo.

 

Waxa looga baahan yahay policeka siiba qaybta wadooyinku inay xooga saaran sidii ay u samayn lahaayeen shuruucda wada marista yadoo darawalkii ku xad gudba ganaax iyo xadhigba laysugu daro, waayo masuulid wayn ayuu haya oo ah dadka gaadhigiisa saaran masuuliyadooda.

 

Waxa kale oo hubin u baahan ruqsada wadida gaadiid oo kaliya ay ku xidhan tahay dhaqalaha aad haysataa in arinka sidaas laga daayo oo qofka laylis laga qaado iyo tijaabooyin waawayn si qofka ku haboon loo siyo  ka kalena laga qabto inta aan dadka wax soo gaadhsiin.

 

 

Wabilaahi Tawfiiq

Alla Mahad Leh

By: Mohamed Hamud Ali

Burao Somaliland

Hamudson@Gmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here