Nin Lagu Seexdow Ha Seexan Xil Baad Sidayee Ha Seexan ! By: Samia Muse

0
1524

Dur Duro Geel Baa Ku Jabay ! Barlamaana Xeer Ba Ku Jabay !Kulaha Xeer Ku Meel Gaadha Ayoo Ku Yimid (2005 – 2016) Dee Dawladiina Ma Ku Meel Gaadh Bay Ictiraaf Ku Raadinaysay ?? Haddaan Taabanay Halkay Sarto Ka Qudhontay !! Waa Golaha Wakiilada Somaliland !!!

 

Xeer Ku Meel Gaadha Hadday Qadiyadeenu Ku Salaysneed Maxaa Horey Wax Looga Qaban Waayay? Maxaa Mar Hore Looga Tashan Waayay ? Wax Kasta Waxa Ka Horeeya Waa Xeer, Ilayen Xeerku Waa Sharcigii Dadka Hagaayay.

.

Somaliland Cadaaladi Kama Jirto Haday Hore Oga Jirtayna Waa La Aasay , Xukumadda Somaliland Iyo Golaha Wakiiladu Waxay Markii Horeba U Wada Heshiiyeen Dumiska Qaranimada Somaliland , Kursi Jeclaysiga Iyo Muddo Kordhinta. Marnaba Danta Qaranka Kamay Shaqaynin ! Markasta Qaladka Way Isku Raacsanaayeen O Nin Shacabka U Tudhayay Kumuu Jirin Markasta Kursiga Ayaa Aha Kaalinta Halgankuudu Taaganyahay , Laakin Maanta Waxaan Ka Xumahay In Xeerkii Ku Meel Gaadhka Ahaa Ay Ka Wada Aamusnaayeen Ay Heshiiska Kuwada Ahaayeen Inay Maanta Isku Eedeeyaan Meeshi Ayaga Lagaga Sugayey Talo Iyo Dooraho Xalaal Ah .

 

Xeerka Ku Meel Gaadhka Aha Muddada Dheer Maxaa Ka Hor Taagna Golaha Wakiilada Ay Marnaba Oga Fakiri Waayeen Inay Si Fiican Xeerka Intii Ka Dhineed O Dajiyaan Amma Mid Cusub Keenaan  ??

 

Marka 10 Mooshin Lagu Qaadayay Barlamaanka Maxaa Xeerka Looga Hadli Waayay?  Waxaan Aaminsanahay Anigu Maanta Waxa Golaha Wakiiladu Ay Ku Qaban Kari Waayeen 12 Sanno Inaanay Sannadkan Gudihiisa Qaban Karin Taasina Ay Micnaheedu Tahay Aan Ku Galno Doorashadana Xeerkii Ku Meel Gaadhka Ahaa??

 

 

La Taliyaha Arimaha Dibadda Musharaxa Madaxweyne E Xisbiga UCID

Samia Muse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here