Wasiir Mareexaan: “Somaliland iyo Itoobiya Waxay Leeyihiin Iskaashi-Ganacsi iyo Mid Amni”

0
935

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa shaaciyay in Somaliland iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo cilaaqaad guun ah oo ay labada dal ka go’an tahay inay sii xoojiyaan.

Sidaasna wuxuu ku sheegay waraysi uu siiyay Idaacada BBC-da, waxaannu beeniyay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay xilligan ay magaalada Berbera ku sugan yihiin Saraakiil Itoobiyaan ahi.

“Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin iskaashi ganacsi, mid amni iyo mid xidhiidh oo muddo soo jiray, wayna ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa arrintaas,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Wasiir Cali Xasan wuxuu xusay inay xilligan Addis Ababa ku sugan yihiin wefti ka socda Xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Ciise Keyd, waxaannu yidhi “Weftiyo Somaliland ahi way ku kala maqan yihiin dunida, wax cusubna ma aha in weftiyo Somaliland ahi ay tagaan Kenya, Jabuuti, Maraykanka iyo Itoobiya, laakiin weftiga Wasiirka Arrimaha dibaddu way joogaan Addis Ababa, waxay kala hadlayaan wax badan, waxay kala hadlayaan xidhiidhka labada dhinac, balse maaha kaliya heshiiska sida dowladda Soomaaliya uun ay kaga dhegan tahay ee wax badan ayaanu dunida kala hadalnaa.”

Wasiirka warfaafintu wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu arrimaha heshiiskaas is afgaradka ahaa ee ay la galeen Itoobiya uu u saaray guddi ka kooban 8 xubnood oo isgu jira waxgarad iyo aqoonyahanno, kuwaas oo hadda gacanta ku haya qorshaha dhammaystirka isfahamkaas, kuwaasi oo ku sugan Hargeysa.

Wasiir Cali Xasan oo la weydiiyay xiliga ay Somaliland rajaynayso in heshiiskii is afgaradka ahaa dhammaystirmo, waxa uu yidhi “Si fiican ayuu u socdaa, si dhakhso leh ayaa loo gabogabayn doonaa dhawaan, waxaana la horgayn doonaa Baarlamaanka labada gole ee Somalland, sidaas ayuuna dhaqan gal ku noqon doonaa.”

Wuxuu sheegay inay Soomaaliya galaan heshiisyo sannad walba, laakiin ay hadda ku foogan yihiin kaliya heshiis kiro ah oo Somaliland la gashay Itoobiya. “Waa dagaal qaawan oo ay dowladda Xasan Sheekh la galeen Somaliland” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan, waxaannu sharraxay iskaashiga kale ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

“Magaalada Wajaale iyo Jigjiga waxay isu jiraan wax aan badnayn, xidhiidh ganacsi ayaanu la leenahay Itoobiya, ammaanka xaduudaha ayaanu ka wada leenahay wada shaqayn, markaa waa wax soo socday waana xoojinaynaa,”ayuu yidhi Wasiirku.

Heshiiska isfaham ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya wada galeen 1-dii January 2024, ayaa dhigaya in Somaliland xeebteeda 20km oo marin baddeed ah ka kirayso Itoobiya, oo ay ka dhiganayso saldhig millatari oo badda ah. Iyadoo Itoobiyana ay noqon doonto dalka koowaad ee aqoonsada madaxbannaanida Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here