Khilaafkii Xukuumadda Somaliland iyo Wakiiladda Koonteenarradda Berbera Oo La Xaliyay

0
580

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Rugta ganacsiga iyo wershadaha Somaliland ayaa shaacisay in la xaliyay khilaaf u dhexeeyay maamulka dekadda Berbera iyo wakiiladda shirkadaha Koonteenarrada alaabooyinka lagu keeno Berbera.

Khilaafkaasi oo ka dhashay wareegtu uu dhawaan soo saaray wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland, taasoo hoos loogu dhigayay lacago khidmad ah oo ay wakiiladda koonteenaradu ka qaadaan ganacsatadda.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay khilaafkaasi xal rasmiya laga gaadhay.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here