Maxkamadda Racfaanka Maroodijeex Oo Xayiraaddii Ka Qaaday Wargeyska Foore

0
657

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodijeex ayaa maanta xayiraadii ka qaaday wargeyska Foore oo ka mid ahaa wargeysyadda ka soo baxa magaaladda Hargaysa.

Kaasoo ay maxkamadda gobolka Maroodijeex xukunno isugu jiray ganaax lacageed iyo xayiraad ku riday todoba bilood ka hor, isla markaana xayirnaa mudadaas todobadda bilood ah.

Xayiraad ka qaadiska wargeyska Foore waxaa soo dhaweeyay ururka suxufiinta Somaliland ee SOLJA, qareenadii u doodayay wargeyska Foore iyo sidoo kale masuuliyiinta  wargeyska madax banaan ee Foore.

Shir jaraa’id oo ay maanta si wada jir ah magaaladda Hargaysa ugu qabteen ururka SOLJA, madaxda wargeyska Foore iyo garsooreyaashii wargeyskaasi u doodayay waxay ka sheegeen in ay si buuxda u soo dhawaynayaan xayiraadda ay maxkamadda Racfaanka Maroodijeex ka qaaday wargeyskaasi.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan xayiraadda ay maxkamadda gobolka Maroodijeex ka qaaday wargeyska Foore oo xayirnaa muddo todoba bilood ah.

Waxaanu yidhi “Waanu soo dhawaynaynaa, waanan taageersan nahay go’aanka maanta ka soo baxay maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodijeex. Taasoo maanta xayiraadii ka qaaday wargeyska Foore, oo muddo todoba bilood ah xayirnaa, oo ay maxkamadda gobolka Maroodijeex xayirtay”.

Guddoomiyaha SOLJA waxa kaloo uu sheegay in markii ay maxkamadda gobolka Maroodijeex xayirtay wargeyska Foore in ay ku dedaaleen sidii loo heli lahaa dariiq kale oo ay ku raadinayeen sidii wargeyska xoriyadiisa loogu soo celin lahaa.

Maadaama oo aanay urur ahaan ku qanacsanayn xukunkii ay maxkamadu xiligaas wargeyska saartay. “Markii la xayiray wargeyska Foore, ururka SOLJA iyo dhamaanba bahda saxaafadda Somaliland, iyagoo ku qanacsan shuruucda dalka, waxay qaadeen waddo ay cabashadoodii ku muujinayaan, oo ah ta uu sharcigu inoo jideeyay, oo ah in maxkamadda ka saraysa ee Racfaanka.

Maadaama oo go’aankii hore ee maxkamadu gobolku wargeyska saartay aanaan ku qancin, in aanu raacno nidaamkaas sharciga ah, anagoo ixtiraamayna, qadarinaynana qaranka Somaliland iyo dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla”ayuu yidhi guddoomiyaha SOLJA.

Xuuto, oo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Inkastoo ay Wadadaasi nagau qaadatay  muddo dheer, oo todoba bilood ku dhawaad ah, oo runtii ah caqabad marka cabasho laga keeno go’aan soo baxay, mudadda ay qaadanaysaa ay dheer tahay.

Iyadoo haddii mudadda la fulin lahaa nidaamka sharci ee dalkeena, uu ka hawl yaraan lahaa sidan, oo aanu qabno in uu go’aankani maanta soo baxay uu wakhti hore soo bixi lahaa. Hada-na waxaanu ku qanacsan nahay dariiqii aanu marnay iyo go’aankan maanta maxkamadda Racfaanku soo saartay”.

Geesta kale C/rashiid Sheekh,  oo ah tifaftiraha wargeyska Foore ayaa isna soo dhaweeyay xayiraadda laga qaaday wargeyskoodda.

Waxaanu u mahad celiyay ururka SOLJA iyo cid kastoo ka qayb qaadatay sidii wargeyska xayiraadda looga qaadi lahaa.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaad mahad iska leh ILLAAHA SWT suurto geliyay in maanta wargeyska Foore uu xoriyadiisii dib u hello, oo xayiraadii saarnayd laga qaaday.

Wargeysku wuxuu xayirnaa muddo todoba bilood ah, laba xukun ayaana ku dhacay. Ganaax iyo xayiraad ayay maxkamadda gobolka Maroodijeex angu riday.

Lacagtii ganaax waanu bixinay. Xayiraadiina wargeyska saarnayd-na maanta ayay maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodijeex ku dhawaaqday in laga qaaday”.

“Marka labaad waxaan u mahad naqayaa garsoore Mubaarig iyo garsoore Maxamuud Abokor iyo ururka SOLJA, oo hawl weyn iyo dedaal ka galay, sidii wargeyska Foore xayiraadda looga qaadi lahaa”ayuu yidhi C/rashiid Sheekh.

Dhinaca kale garyaqaan u hadlay qareenadii difaacayay wargeyska Foore oo isna xayiraad ka qaadista wargeyska ka hadlay ayaa sheegay in ay aad u soo dhawaynayaan in wargeysku xariyadiisii dib u hello.

Waxaanu garsoorahaasi sharci darro ku tilmaamay in la cabudhiyo warbaahinta madax banaan, taasoo ka soo hor jeedda shuruucda dalka u yaalla.

“Waxaanu maanta aad iyo aad ugu mahad celinaynaa garsoore C/raxmaan Faarax Maxamed, oo ka tirsan maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodijeex. Garsoorahaasi oo saaray go’aan uu ugu hiilinayo wargeyska Foore, iyo dastuurka Somaliland, warbaahinta madaxa banaan.

Sidoo kale waxa uu go’aankani cadayn buuxda u yahay in ay sharci darro tahay, in la dhibaateeyo ama faaf-reeb lagu sameeyo shaqadda ay warbaahintu u hayso qaranka iyo ummada reer Somaliland”ayuu yidhi garsoorahaasi.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here