Khilaafka Ururka Suxufiyiinta Somaliland Oo Dib U Bilaamay iyo Shirweynihii oo Bari Furmaya

0
842

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xubno ka mid ah Hogaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Qaar ka mid ah Guddidii la kala diray ee qabanqaabada Shirweynaha Ururka, ayaa Xukumadda ku eedeeyay inay majaro habaabisay Ururka Suxufiyiinta islamarkaana Xubno Xukumadda taabacsan u gacan galisay. Waxay ka digeen natiijada ka soo baxda Shir la sheegay in Khamiista bari ah lagu qabanayo Hargeysa oo lagu dooranayo Hogaanka Ururka SOLJA.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo markii horeba aanay Wariyeyaashu ka mahad sheegan ayaa haatan u muuqda mid Khilaaf ragaadiyay, islamarkaana ay adag tahay in dib loo doorto Hogaanka Ururka oo wada matala Saxaafadda Somaliland.

“Waxaanu wariyayaasha iyo Bulshadaba u jeedinaynaa  in Shirka Babri(Khamiista) La qabanayo uu yahay Xaraan.Halkan waxaanu ku haynaa Waraaqdii Aanu dib ugu dhignay Shirka Laakiin, Gudidu Wax danbe oo Hore loogu soo dhigay oo Gudidu Ka shirtay Majirto,waxaana Arinkan Gacanta Kula Jira Wasiirka Warfaafinta Ururka Arimaha Somaliya ka shaqeeya Ee Layidhaa Sonsof, Xoriyatul Qawlkuna waxa ay ku jirtay Arimihii Somaliland iyo Somaliya ka wada hadleen ee Layidhi Hala ilaaliyo Xuquuqda Saxaafadda somaliland” ayuu yidhi Xoghayaha Ururka SOlJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.

Ku xigeenka Gudoomiyaha ee Ururka SOLJA Maxamed Cabdi Curad, ayaa isna Shirka Jaraa’id ka sheegay in Ururka Suxufiyiinta Somaliland ku burburayo gacanta Wasiiro Xukumadda ka tirsan “Waxaanu Saxaafadii Nadooratay U sheegaynaa,Waxaanu bulshda u sheegaynaa in ururkii Madax Banaanaa ee solja Xukuumadu Burburisay,Xoogna Lagula Wareegay,Xalay oo u danbaysayna Wasaarada Warfaafinta Dhexdeeda Lagu Qaybsanayay Cidii Laga dhigilahaa Guddoomiyaha Ku Xigeenkiisa iyo Xog-Hayaha,Xukuumada Lafteedu Kuma Wada eedaysna,Waxaana ku eedaysan Wasiirka Warfaafinta Iyo Wasiirka Maaliyada Suurta Galinta Inqilaab”

Inta badan Xubno Xukumadda Taabacsan iyo kuwo diidan ayaa  Carqalad ku ah inuu Qabsoomo Shirweynaha SOLJA oo lagu dooran lahaa Hogaanka Ururka.

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf ayaan u muuqan mid si fiican iskaga wareejinaya Hogaaminta Ururka, iyadoo laga cabsi qabo inuu Ururku sidaasi ku waayo Kalsoonida Wariyeyaasha ama uu Burburo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here