Madal Ay Ku Kulmeen Inka Badan 4 Kun Oo Qof Oo Lagu Daadafeeyay Go’aankii Guddida Agabar, Taageerana, Loogu Muujiyay Wasiir Samaale + Daawo Sawirrada

0
923

Hargeysa, (HargeisaPress) — Inka badan 4 Kun oo qof oo ka mid ah Beesha Sacad Muuse ayaa maanta Munaasabad Qado sharaf ah loogu sameeyay Hotelka Maansoor. Munaasibada ayaa sidoo kale Taageero laxaadleh loogu muujinayay Wasiir Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiir Cabdicasiis Samaale, kuwaasi oo lagu taageerayay hankooda Siyaasadeed ee ah Musharaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ka bacdi Doorka Madaxweyne Siilaanyo.

DSC08719

Madashan waxaa ku kulmay Qaar ka mid ah Salaadiinta Sacad Muuse,Cuqaal, Siyaasiyiin,waxgarad iyo dhalinyaro, waxaana hadalada laga jeediyay Nuxurkoodu ahaa sidii loo daadafayn lahaa Go’aankii ka soo baxay Guddida Beesha Sacad Muuse ku dooratay Shirkii Hoodaale ee Agabar oo ahaa in Muuse Biixi yahay Musharaxa Beesha islamarkaana laga reebay Maxamed Biixi iyo Cabdicasiis Samaale.

Madashan ayaa laga Iclaamiyay in Hawsha loo Igmaday Guddida Beeshu ku dooratay Agabar ahayd sidii ay uga shaqayn lahaayeen Horumarinta Bulshada, balse aanay lug ku lahayn siyaasad. Waxaana carrabka lagu adkeeyay in hawsha kala reebista Musharaxiintu tahay mid u taala Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

bfc2ffd7edd3ecbe5270e86d74082d66_L

Suldaanka Beesha Adaraxmaan Sacad Suldaan Jaamac oo ugu horayn ka hadlay Madashan ayaa Tawfiiq iyo wada jir u rajeeyay Bulshada Sacad Muuse “Shirkan waxaan ILAAHAY ka baryayayaa inuu noqdo kii guul lagu gaadho oo reerka mideeya, khilaafkana ka saara. Sacad Muuse  ILAAHAY faro ayuu siiyay dhulna wuu leeyahay, haddana meel bay wax si ka yihiin, tawfiiq la’aan ayaa jirta.

Waxaan leeyahay kala qeybsanaanta midnimadda ayaa ka wanaagsan waa inaynu ku dedaalaa in la isa saamaxo oo  laga shaqeeyo midnimada reerka. Inamadan siyaasiyiinta ah ee reerku runtii waa inamo wanaagsan waana iskugu keen mid. Waxaan leeyahay horumar iyo midnimo haddii la doonayo waa inay iyagu siyaasiyiintani kulmaan oo heshiiyaan. Dawladu wax bay qabatay oo cid lagu doorsanayaa ma jirto”

1477969_1006098679406201_1323459751917500323_n

Abshir  Maxamed Xoodiye oo ka mid ahaa gudigii shirkii agabar lagu doortay ayaa iftiimiyay halka uu salka ku hayo Khilaafka soo kala dhexgalay Guddida horumarinta Sacad Muuse,isagoo sheegay inaanu Wasiir Cabdicasiis Samaale wax kalsooni ah u dhiiban Guddida islamarkaana aanu Ogolaan in laga gar naqo Loolanka u dhexeeyay isaga iyo Siyaasiyiinta kale.

“Khilaafkaasi waxaa sabab  u ahaa qeyb ka mid ah Guddidayadii oo dhabarka la soo taabtay, waxay nagu soo dhex tureen buuq ay kala yimaadeen shir gaar ah oo lagu qabtay gurri ku yaalla Hargeysa oo tijaarteennu leedahay, sideed xubnood ayay ahaayeen meel baa lagu casuumay, maalintaasi ayuu khilaafkii guddigii agabar bilaabmay. Waxaanse anigu aaminsan nahay inay bilaabantay dhawr bilood ka hor oo muddo dheerba waa nalagu dhex jiray oo xubnaha Guddigayaga midba af baa wax loogu sheegayay.

Annagu Guddi ahaan waxaanu ahayn Guddi  Horumarineed ee ma nihin guddi siyaasadeed, shirkii Hoodaalle waxa nalagala dardaarmay inaanaan haba yaraatee wax siyaasad ah gelin, waxa nalagu yidhi haddii aad siyaasad gashaan waad burburi doontaan, nasiib darrose arrinkaasi annaga nagamuu dhalan guddigayaga dhexdiisa wax ka yimid muu ahayn waxay ahayd arrin dibada nalagaga keenay oo nagaga yimid siyaasiyiinta iyo tijaarta.” Ayuu yidhi Mr Xoodiye

3(227)

Suldaan Ibraahim Sulub Nuur oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin taageerada Suldaanka Guud iyo Salaadiinta kale la garab istaageen Go’aanka Guddida Agabar maadaama aanay ahayn wax la isku raacsan yahay.

“Salaadiinta taageertay hadalkii nimankii Guddidii Agabar ka mid ahaa gaadheen  ee khilaafka abuurtay salaadiinta taageertay waxaan leeyahay waxba ma tihidin. Suldaanka guudna haddii aanay  shan  jiif caaqil  ugu yaraan aanay kalsooni siinin, miyuu kalsooni cid siin karaa, isagiiba kalsooni ma haystee.

Salaadiinta kale ee reer Hargeysa ee iyaguna wax baanu taageernay yidhi waxaan leeyahay waxaad tihiin dhidar onkod kiciyay, waxa wanaagsan inaad hubsataan, wixii la isku raacsan yahay ayaa la taageeraa, haddii aanad ka mid ahayn kuwa khilaafkan abuuray ee dadka iska hor keenaya,haddii kale adigaa wax isu dhimaya oo suldaan-na ma tihid waxaad taageertayna wax jira ma aha,”ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Sulub Nuur.

Caaqil Cabdilaahi Qalinle Fariid,  ayaa sheegay in loo baahan yahay in cidii murashax madaxweyne noqonaysa looga baahan yahay inay ka soo dhex baxaan Golaha dhexe ee xisbigooda, waxaanu yidhi “Inammada siyaasiyiinta ah ee beesha Sacad Muuse waxaan leeyahay madaxtinimada dalka madaxweyne ayaa fadhiya, shanta sannadood ee soo socotana isagaa ku fadhiyaya haddii ALLE yidhaahdo, wixii intaas ka dambeeya markay gaadho waxa idin soo kala saaraya Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Ninkii halkaas ka soo baxa markaas ka dib ayaa talladiisa la geli doonaa. Waxaan leeyahay waxba imika idiinma dhowee xisbigiina ku soo kala baxa, midkiina ma necbin dhammaantiin waanu idin jecel nahay siyaasiyiinta intaas ayaan leeyahay.”

Guddigii ka soo baxday shirkii HOODAALE waxa Sacad Muuse u doortay inaanay siyaasad gelin ee ay horumarinta deegaamadda beesha ka shaqeeyaan. Shirkaas waxa lagu gaadhay in guddiga ay siyaasadda dibada ka tahay. Guddiga intii shaqadii loo doortay ku taagan waanu u ducaynaynaa, qolada ka baydhay wadadii loo doortay waxaan leeyahay horta wadadii waad ka baydheen, waanad dunteen, Sacad Muusena intaa soo hadhay wixii uu ku kordhinayo ha ku kordhiyo, cid aad wax u haysaan oo jeebka idiinku jirtaa ma jirto, inamadana ha wareerinana, ”ayuu yidhi Caaqil Cabdilaahi Qalinle Fariid.

 

Waxa kale oo iyaguna halkaasi hadlay cuqaal iyo waxgarad kale oo dhammaantoodba naqdiyay wax ay ku sifeeyeen go’aan cadaaladda ka fog oo beesha lagu kala qeybinayay, waxaanay sheegeen in guddigii shirkii Agabar ay ka leexdeen hadafkii horumarinta ee loo doortay.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ka hadlay shirkaasi waxa uu yidhi “Somaliland dadkeedu nin waliba shaqo aanu lahayn ayuu qaataa, Guddidanna hawl ayaynu u diranay oo ahayd horumarin, wixii intaas dhaafsiisan iyo siyaasad baanu ka talinaynaa, beesha Sacad Muuse waxaan leeyahay waxaynu nahay beel weyn ee aynu ummadda reer Somaliland ka xishoonno , dadku kaligeen ma aha, dalka waa la inala leeyahay marka aynu wax ka hadlayno aynu dibada isula baxno oo aynu joojino warbaahintan aynu ka hadlayno iyo lacagtan la isku iibsanayo.Shirkii Agabar tawfiiq ayaynu kaga nimid, kuwa muwaafaqada iyo isku duubnideenna burburinayana ILAAHAY ha innaga qabto.”

Wasiirkii  arrimaha gudaha Somaliland ee Xukumaddii RayaaleIsmaaciil  Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare)  ayaa isna ka hadlay hawlaha shaqo ee Guddida Hoodaale “Waar balankii iyo cahdigii xagee ayuu ka dhacay, wixii la isku ogaa haddii ay afar nin bedasho ka warama? Shirkii HOODAALE Ragii tagay ayaan ka mid ahaa waxa la yidhi waxaynu dooranaynaa Guddi aan siyaasad shaqo ku lahayn oo horumarinta ka shaqaysa. Shirkaasi markii hore siyaasiyiinta ayaa faraha kula jiray oo uu u qabsoomi waayay markii la yidhi siyaasadii ayaa laga saaray ayuu qabsoomay,”ayuu yidhi Ismaaciil Yare.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Ismaaciil  Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) ayaa ku dooday in aan loo baahnayn in salaadiintu ay taageero ka bixiyaan cidla, waxaanu yidhi “Hadii maalinba qolo siyaasiyiin ah oo murrashaxiin doonaysa uu midina weerar u noqdo midina difaac u noqdo, oo maalin walba warbaahinta la iskaga soo jawaabo oo salaadiin hibo iyo sharaf innaga mudan oo aan waxba hubsan ay taageero cidla ka bixiyaan reer ceeb ayay ku tahay. Ragga murrashixiinta ah waxaan ILAAHAY ka baryayaa ka ugu khayr badan ee dalkiisa ee cadaalad ku dhaqi doona shacbiga Somaliland ee idinkana beel ahaan magaciina wanaag u soo jiidaya ILAAHAY ha innooga dooro.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here