Cayaaraha Soomaalida ee HIRDA AFT oo lagu soo gaba-gabeeyay Amsterdam + SAWIRRO

0
1290
Amsterdam , (HargeisaPress) —Waxaa Magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands lagu soo gaba-gabeeyay Cayaaraha Soomaalida ee HIRDA Amsterdam Futsal Tournament, kaasi oo sanadkiiba mar lagu qabto dalka Holland, iyadoona sanadkaan lagu xusayo 10-sano guurada kasoo wareegatay xilligii la aas-aasay qabashada Cayaaraha HIRDA AFT. Waxaana tartanka AFT sanadkaan ka qeyb galay 24-kooxood oo kubada cagta ah, iyo labo koox oo gabdhaha Kubada Koleyga, kuwaasi oo kala socday wadamada Netherlands, Norwey, Denmark, Sweden, Finland, Switzerlands iyo Beljium.

20141223635549684968052583H34

Cayaarahaan  ayaa waxaa sanadkaan si gaar ah loogu casuumay, Duqii hore ee magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya wadamada Belgium iyo EUda Danjire Cali Saciid Faqi, Abuukar Cawaale (Qaad-diid), Guddoomiyaha Xiriirka CAFUSA Abdel Mokhtar, Mohamed Attaibi oo ah Cayaaryahan u cayaara Orange Futsal team, Cayaaryahankii hore ee Qaranka Kubada Cagta dalka Soomaaliya iyo kooxdii Horseed Maxamed Ismaaciil, Macalin Xasan Faarax Joon, Qabiir Isboorti isla markaana Matalayay Ururka Isboortiga SEUKI ee ka dhisan dalka Sweden, Sacad Cumar Geedi, Axmed Diinaash, Axmed Muuse, Magan Tahir, Qaar ka mid ah Cayaartoydii hore ee Kubada Cagta, Kubada Koleyga, Teeniska, Orodada, Fanaaniinta kala ah, Cabdi Baadil Ibraahim, Laki Xaaji Waceys, Waayaha Cusub iyo dad kale oo Magac ku dhex leh Bulshada dhexdooda.

20141223635549685070464548H1

Cayaaraha ayaa waxaa sidoo kale sanadkaan lagu casuumay xulka Qaranka Futsalka dalka Morocco, oo ka yimid dalka Beljium, kuwaasi oo 2kulan la yeeshay Cayaartoyda Soomaaliyeed ee Qurba joogta, oo ku cayaarayay Magaca (Somali Dream team EU iyo Somalia Dream team Holland), waxaana Xulka Qaranka Futsalka Qurba joogta dalka Morocco u suura gashay in ay labo kulan ka badiyaan Cayaartoyda Soomaaliyeed ee ku cayaareysay Magaca Somali Dream Team.
20141223635549685783658099H10
Wareegii 1-aad ee Cayaaraha HIRDA AFT, ayaa waxaa ku haray 12 kooxood, oo kala ah; Hoorn (NL), West-Agder (NOR), Kopenhagen (FIN), Veenendaal (NL), Wageningen (NL), Wassenaar (NL),  Nieuw-Lekkerland (NL), Amsterdam (NL), Zurich (CHE) , Kristiansand (NOR)  Nieuwwegein (NL) Eindhoven (NL).

20141223635549688701797189H28

Wareega 2-aad waxaa ku tartamay Kooxaha kala ah;  Venray  (NL), Leidschendam (NL), Denhaag (NL), Rotterdam (NL), Reeuwijk (NL), Husby (SWE), Stockholm (SWE), Helsink (FIN), Antwerpen (BEL), Alkmaar (NL), Denbosch (NL), Arnhem (NL), waxaana Finalkii Cayaaraha hiigsaday labada koox ee kala ah, Reeuwijk (NL) oo uu hogaaminayay Macalin Foora-gacan iyo Kooxda Denhaag (NL) oo uu Hogaaminayay Macalin Niinje, waxaana Koobkii la hoyday kooxda Reeuwijk (NL), ee uu hogaaminayay Macalin C/latiif Islow (Foora-gacan), iyadoona Koobka uu guddoonsiiyay Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

20141223635549688989175464H30

Dhinaca kale waxaa iyaguna fooda is daray Kooxaha Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliyeed ee Qurba-joogta, kuwaasi oo ka kala yimid wadamada Britian, Norwey, Holland iyo Germany, iyadoona ay kala Hogaaminayeen Cayaartoydii hore ee Soomaaliyeed, Xaawo Kiin iyo Shukri Dalbaas, waxaana labo kulan oo dhex maray labada koox ay guusha raacday Kooxda ay Hogaamineysay Shukri Dalbaas, kuwaasi oo hantay Koobkii Gabdhaha Kubada Koleyga ee Cayaaraha HIRDA, waxaana Koobkaasi guddoonsiiyay, Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya EU-da & wadmada Benelux Dr. Cali Saciid Faqi.

Gaba-gabadii Cayaaraha ayaa xaflad weyn oo lagu qabtay Hoolka Xafladaha ee Garoonka Sporthallen Zuid Amsterdam, ayaa waxaa Abaalmarino kala gedisan halkaasi lagu Guddoonsiiyay Kooxihii galay kaalimaha 1-aad, 2-aad, Cayaaryahankii ugu goolalka Badnaa, Cayaarahankii ugu wanaagsanaa, iyo shaqsiyaad isugu jirey ; Macalimiin, Fanaaniin, Siyaasiyiin, Wariyeyaal, Shaqsiyaad ka shaqeeya Arrimaha Bulshada, iyadoona dadka laga xusi karo ay ka mid yihiin, Duqii hore ee Magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), Agaasimaha Hey’adda HIRDA, Drs. Faatumo Faarax, Abuukar Cawaale (Qaad-diid) Fanaanka Cabdi Caadil Ibraahim, Qabiiro Isboorti iyo dad kale oo magac ku dhex leh Bulshada Dhexdooda,

 

 

Yuusuf Yuusuf
mrsomalia@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here