Khilaaf U Dhexeeya Wasiir Warancadde iyo Dawladda hoose Ee Hargeysa Oo Soo Shaac Baxay iyo Xildhibaan Eedeeyay Wasiirka Daakhiliga

0
907

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Xildhibaan Xasan Cali Cabdi (Xasan Shahar),oo xarunta Dawladda hoose Shir Jaraa’id ku qabtay maanta, ayaa Wasiirka Arrimaha gudaha u soo jeediyay inuu hawlaha dawladda hoose faraha kala baxo,,isamarkaana ixtiraamo shaqada Dawladda hoose.

Waxa uu si adag uga soo horjeestay Qorshaha Wasiir Warancadde hal haad kaga dhigay Waddada halbawlaha ah ee Madaxtooyada hor marta, taasi oo ilaa Arbacadii baabuurtu u isticmaalaysay Haad kaliya oo u socda dhinaca Galbeedka, sidoo kalena jidka Dhakhtarka weyn daba mara laga dhigay jid dhinaca Bari u marto baabuurtu.

β€œMasuuliyiintii Booliska ee hawshan ka shaqaynayay dhibaatooyin badan baa soo gaadhay,Burbur badan baa Caasimaddii ka dhacay, Dadweynihii way yaaban yihiin, waxay leeyihiin waa maxay waxan la samaynayaa?, maye Golihii degaanka ee aanu dooranay bay leeyihiin, Waar dastuurkii iyo qaranimadii miyaa la nacay Umaddu wax badan bay is weydiinaysaa” ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Shahar oo ka hadlaya Isbedelka wadooyinka Hargeysa.

Xildhibaan Xasan Shahar waxa uu farriin u diray Wasiirka Arrimaha Gudaha β€œCaliyow Waxbadan baa laga xishoonayaaye inaad Xishooto way wanaagsan tahay.xilligan kala guurka ah hawshaas aad samaysayna waxaan ku odhan lahaa ma wanaagsana ee ka tanaasul, mana soconayso ee waa mid laab lakac ah oo aan qorsheheedii iyo Boodhkeedii iyo Wacyi galinteedii iyo wakhtigeedii midna aan helin”

Xildhibaanku wuxuu tilmaamay inay hawshu qarbo-qarbo ku tilmaamatay β€œShacbiga xaq miyaynu ugu leenahay intaynu qori la horjoogsano inaynu nidhaahno ha dhaqaaqina, Baabuurta ha soconina ee halkaas mara oo Qori uun lagu qabto” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaanku waxa uu Wasiir Warancadde u soo jeediyay inaanu waxyeelayn hawlaha dawladda hoose iyo wada shaqaynta ka dhexaysa Wasaaradda daakhiliga iyo dawladda hoose.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Xildhibaanada Golaha degaanku yeeshaan fadhi aan caadi ahayn sabtida soo socota, kaasi oo ay ku caddeeyaan Mawqifkooda ku aadan wax ka bedelka Jidadka Caasimada.waxa kale oo maanta hadalkooda dib u dhigtay Xildhibaano Shirka jaraa’id kala qayb gali lahaa Xildhibaan Xasan Shahar. sidoo kale Xildhibaano hore uga hadlay arrintan ayaa wasiirka ku eedeeyay inuu shaqadiisa kaga mashquulay hawlaha dawladda hoose.

Tan iyo markii Wasiir Warancadde ku dhawaaqay qorshaha wadada lagu kala bedelayo lama arag wax dhaqdhaqaaq ah oo dawladda hoose kaga qayb qaadanayso arrintan, hase ahaatee waxaa shalay la arkayay Wasiirka daakhiliga oo kormeerayay siday u socoto hawsha kala bedelka wadooyinka Hargeysa. Sidoo kale Madaxda Ciidanka nabadgalyada wadooyinka ayaa ka qayb qaadanayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here