“Dadka Reer Somaliland ee Wadooyinka Sameystay Waanu Hanbalyeeynaynaa, laakiin Xukuumad aan Waxba Ku darsani Inay Ugu Hanjabto Yaanu Mucaaradka Ka Soo Qayb Galin Ma Dawbaa”Jamaal Cali Xuseen

0
947

jamaalHargeysa, (HargeisaPress) — Musharaxa Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, ayaa ku dooday in Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo soo kordhisay dhaqamo xun oo ay ku cabudhinayso Mucaaradka islamarkaana kaga mamnuucayso Munaasibadaha Bulshada.

“Dadka Reer Somaliland ee Wadooyinka Sameystay Waanu Hanbalyeeynaynaa, laakiin Xukuumad aan Waxba Ku darsani Inay iyaddu Xafladdaha Uun Kala Qayb Gasho oo Haddana ugu Hanjabto in aan Mucaaridka la Casumini Ma dawbaa? waa Qawda Maqashii waxna haw qaban!, Waxa aad iiga yaabiyey dhaqanadda Xukuumaddan Kulmiye ee aadka u jecel xafladdaha, faanka iyo Damaashaadka, oo weliba dadka ku khasabta in aanay mucaaridku iman haddii kale madaxweynaha Somaliland in aanu ka soo qayb geli doonin” ayuu Jamaal Cali Xuseen ku yidhi Qoraal uu kaga hadlay arrintan

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in ficiladani muujinayaan Kalsooni darro haysatay Xukumadda Kulmiye “Xilligii uu mucaaridka ahaa xisbigga Kulmiye waxa uu xafladaha qaran sida kuwa qalin jebinaha iyo kuwa wadooyinka lagu furaayo ee dadkoo dhan mideeynaaya uu kala qayb geli jiray xukuumaddii uu gadhwadeenka ka ahaa Daahir Riyaale ee UDUB. laakiin markuu Kulmiye talladda dalka la wareegay waxa uu bilaabay dhaqan siyaasadeed cusub oo ay ka muuqato kalsooni daro uu mucaaridka iyo afkaartooda ku cabudhinaayo.

Haddaba goob aanay iyagu xataa dawlad ahaan aanay waxba ku darsan in ay yidhaahdaan dadka kale ayaanay imanin ma dawbaa? shalayto milgihii iyagoo mucaarid ah ay UDUB siisay hadday garan waayeen miyaaney muujinayenin kalsooni darro. Shacabku way ka dheregsan yihiin in marka ay xaflad furitaan ah uun ay tahay in marka la arko dawladdii oo ordaysa. Xafladdaha dhagax dhigiduna ay yihiin kuwa ay xukuumaddu caan ku tahay laakiin aan laga midho dhallin dhagax dhigidyadaasi.

Waxaa kuu markhaati ah safarkii dheeraa ee madaxweynahu ku soo maray xeebaha ilaa Galbeed ilaa Bari iyo laas-qoray kal hore; maye mashaariicdii lagu qiyaasaayey $500 million ee ay dhagax dhigeen; miyaaney uun ahayn Qawda maqashii waxna haw qaban. Dadka reer Somaliland ee waddooyinka sameystay waanu hanbalyeeynaynaa”

Inta badan Munaasibadaha Qalinjabinta Jaamacaddaha iyo Xadhig ka jarista Waddooyinka ayaan lagu casuumin Asxaabta Mucaaradka, iyadoo Mucaaradkuna arrintaasi ku macneeyo mid Xukumaddu Bulshada ku maamuusta Xukumadda ugu hanjabaan inaanay ka qayb gali doonin haddii Mucaaradka loogu keenayo madasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here