Khasaaraha Rabshado Hadheeyay Munaasibad Xisbiga Waddani Hargeysa Ku Qabtay + Daawo SAWIRADDA

0
1008

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Boqolaal dhalinyaro ah oo aan la garanayn cida soo abaabushay ayaa maanta Weerar ku qaaday Munaasibad Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ku soo dhaweynayay Xubno ku soo biiray oo lagu qabtay Hotel-ka Crown ee Hargeysa.

Dhalinyarada oo adeegsanayay Dhagax ayaa dhaawacyo gaadhsiiyay dad badan oo iskugu jira Haween,dhalinyaro iyo Rag uu ku dhacay Dhagax sida Roobka ugu soo hoobtay Hotel-ka. Waxa sidoo kale la jajabiyay islamarkaana waxyeelo weyn loo gaystay gaadiidka Hotel-kak gudihiisa yaalay oo dhagaxu soo gaadhay iyo kuwa dibada hotelka yeelay ee dadka munaasibada ka qayb galay wateen. Baabuurta la jajabiyay ayaa qaarkood waxaa watay Madaxda Waddani, Wariyeyaal iyo Marti sharafta munaasibada.

rabshado wadani 3

Dhinaca Kale Dhaawacyo Fudud Oo Dhagaxaan Laysku Shiidayey Ay Sababeen AyaaWaxaa Ku Dhaawacmay Ilaa 7 Ruux Oo ahaa Dadkii Munaasibadaasi Kasoo Qayn Galay.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Ayaa Isaga Markii Uu Qalalaasuhu Bilaabmaya Iskaga CararayHotelka Xafladu Ka Socotay Iyadoo Shiidka Iyo Qalaasuhu Bilaabmay Markii Dhamaad Ku Dhaweyd Xafladu.

rabshado wadani 4a
Isku Soo Wada Duuboo Qalalaashahan Ayaa Ka Dhashay Dhalinyaro Gadoodsan Oo ShiedKu Bilowday Xisbiga Waddani IyadaOo Ay Jajabiyeen Baabuurtii Halkaasi Taagnayd Isla Markaana Ay Dad Badan Dhaawaceen.

rabshado wadani 2
Ilaa hadda lama garanayo Cidda soo abaabushay Dhalinyaradaasi oo weerarka soo qaaday abaaro 12-kii duhurnimo oo Munaasibadu si habsami ah u dhamaatay balse dadweynaha ka qayb galay isku dayeen inay ka baxaan Hotel-ka, halkaasi oo dhalinyarada boqolaalka ahi Shiid la hor istaagtay.

Booliska ayaan arintan waxba ka qaban balse Dhalinyarada Munaasibada ka soo qayb gashay ayaa aakhirkii iska caabiyay dhalinyarada soo weerartay. Saldhigyada Booliska oo u dhaw Halka rabashadu ka socotay ayaan mudo saacado ah wax talaabo ah ka qaadin.

 

HargeisaPress News DeskΒ  β€” Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here