Khadiija Axmed Aadan Oo Loo Doortay Maayirka Buuhoodle

0
1471

Buuhoodle (Hargeisa Press) – Xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka degmada Buuhoodle, ayaa waxaa ay maanta maayir u doorteen Khadiija Axmed Yuusuf, iyagoona sidoo kale maayir ku xigeena u doortay Mustafe Cabdi Ayaanle.

Khadiija Axmed Yuusuf oo loo doortay maayirka degmada Buuhoodle, ayaa waxaa ay ka soo baxday xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye.

Waxaanay sidoo kale Khadiija Axmed Yuusuf ay noqonaysaa Haweenaydii ugu horaysay taariikhda Somaliland ee loo doorto xilka maayirnimo.

Maayir Khadiija, ayaa waxaa ay ka mid ahayd 3 Haween ah ee kaliya ee ka soo baxay 28 Haween ah oo u sharaxnaa doorashooyinkii isku sidkanaa ee goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada ee 31-kii bishii May Somaliland ka qabsoomay.

Maayir Khadiija Axmed Yuusuf oo hadal jeedisay markii la doortay kadib, ayaa waxay balan qaaday in si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ay ugu shaqaynayso shacabka.

Waxaa ay maayir Khadiija ay dowlad Somaliland si weyn uga codsatay in ay sigaara ula shaqayso.

Xildhibaanada codka siiyay maayir Khadiija, ayaa sheegay in ay codka u siiyeen karti iyo hufnaan ay ku arkeen darteed.

Golaha deegaanka Buuhoodle, ayaa talaabadan ay qaadeen waxay tahay arrin aan hore uga dhici jirin guud ahaan goleyaasha deeganada Somaliland.

Khadiija Axmed Yuusuf, ayaana waxaa ay noqonaysaa Haweenaydii ugu horaysay abid taariikhda Somaliland ee maayir loo doorto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here