Wasiir Maxamed Kaahin oo Qaabiley Haweenkii Ku Hungoobay Tartankii Doorashada

0
1527

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasiirka arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Ahmed, ayaa maanta qaabiley Haweenkii murrashaxiinta ahaa ee ku hungoobay doorashooyinkii gollayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee dalka ka qabsoomay 31-May-2021, kuwaas oo aan aan ku guulaysan tartankii ay galeen hal kursi oo gollaha Wakiillada ah, balse ay gollayaasha deeganaka ka heleen dalka oo dhan laba kursi oo keliya.

Kulankaas oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda arrimaha Guddaha Somaliland waxa qayb ka ahaa wasiirada wasaaradda horuminta deegaan, hawlaha guud iyo masuuliyiin kale oo ka tirasan xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale, waxaa kulankan uu wasiirka arrimaha Gudaha ku wehelinayay masuuliyiinta dalada isku xidhka haweenka ee Nagaad.

Waxaanay wasiirka arrimaha uga mahadceliyeen kulankan uu la qaatay hablihgii lahaa hanka siyaasadeed ee aan ku soo bixin kuraastii goleyaasha wakiillada iyo degaanka ee ay u tartameen.

Nafisa Yuusuf Maxamed, ayaa sheegtay in talaabo fiican ay tahay in haweenku ay dadaal u galeen in ay sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen doorashadii dalka ka qabsoomtay 31 May, waxaanay bogaadisay maayarka degmada Boohoodle oo ay ku guuleysatay Qadiija Axmed oo  ka mida haweenkii ku soo baxay golaha degaanka ee degmadaaas.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxmaed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu sheegay in xukuumaddu bar-bar taagan tahay sidii ay wax ula qaban lahayd haweenkaasi murrashaxiinta ahaa ee ku hungoobay doorashadii dalka ka qabsoontay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here