Dawladda Kenya oo Shaacisay inay Dhammaystirtay Miisaaniyadii Qunsuliyadooda Somaliland

0
547
Wasiirka Ganacsiga Kenya Mr. Peter Munya

Nairobi,(HargeisaPress) –Wasiirka Ganacsiga Kenya Mr. Peter Munya ayaa sheegay in la dhammaystiray miisaaniyadii ay ku hawlgeli lahayd qunsuliyadda ay Kenya ka furanayso Magaalada Hargeysa ee caasimadda JSL, si kor loogu qaado cilaaqaadka labada dal.

Wasiirka Ganacsiga Kenya Mr. Peter Munya oo  Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi, u xaqiijiyey   in Xafiiska Dawladda Kenya ka furanayso Hargeysa ay  rajaynayaan inuu  kor u qaadi doono baddeecadaha ay Kenya u dhoofin doonto Jamhuuriyadda Somaliland.

Mr. Peter Munya wuxuu intaas ku daray in xafiiskooda Hargeysa uu dawladda  Somaliland kala xaajoon doono  wax ka qabashada caqabadaha  ka hor iman kara ganacsiga.

Wasiirka Ganacsiga Kenya wuxuu sheegay in dawladda Kenya ay culays saarayso sidii ay suuq ugu heli laheyd baddeecadaha dalka ka soo go’a  ee   Bunku ka mid yahay.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO WARKA OO DHAN

https://somalilandpress.net/2019/07/30/somaliland-to-boost-kenyas-miraa-exports/

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here