Jidka Isku Xidhaya Berbera iyo Wajaale Oo Si Rasmiya Loo Dhagax Dhigay

0
1271

Hargeysa (Hargeisa Press): Madaxweynaha SomalilandΒ  oo ay wehelinayeen madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo masuul ka socday shirkadda DPW ayaa maanta si wada jira u dhagax-dhigay jidka isku xidhi doona magaalooyinka Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor) oo dhismihiisu dhawaan bilaabi doono.

Dhagax-dhigga mashruuca dhismaha jidkaΒ  Berbera Corridor oo munaasibad ballaadhan loogu qabtay duleedka Bari ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa,Β  waxa ka qayb-galay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, Ku-xigeenka madaxa Abu dhabi Fund for Development Khaliifa Al Qubaisi, safiirradda dalalka Itoobiya iyo Jabuuti u jooga Somaliland.

Sidoo kale waxaa xafladaasi joogay wufuud ka kala socday dalal kala duwan oo dunida ah, hoggaanka axsaabta qaranka Somaliland,Β  madaxweyne-ku-xigeenadiiΒ  hore oo Somaliland soo maray, wasiirro iyo marti-sharaf kale.

Waxaana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu dhismaha jidkani u leeyahay guud ahaan dalalka Geeska Afrika iyo sida uu kor ugu qaadi doono ganacsiga iskaga kala gooshaya dalalka Itoobiya iyo Somaliland.

Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar,Β  oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxay faa’iidada ku jirta jidka Berbera Corridor, waxaanu xusay inuu kor u qaaadi doono is-dhexgalkii dhaqaale iyo midka bulsheed ee u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

Madaxweyne Cagjar, waxa uu sheegay in sskaashiga Somaliland iyo Itoobiya aanuΒ  ahayn midΒ  maanta bilawday, balse uu yahayΒ  soo jireen, isla markaanaΒ  labadda shacab ay yihiin kuwoΒ  laba shacab oo isku baahan.

Waxaanu hoosta ka xariiqay in ay jiraan waxyaabo badan oo ka maqan degaanka Soomaalida Itoobiya oo ay uga baahan yihiinΒ  Somaliland, isla markaana ayΒ Β  diyaar u yihiinΒ Β  in ayΒ  ganacsatadda Somaliland ku casuumaan Itoobiya, si ay u maalgashadaan degaankoodda, iyagooΒ Β  weliba u fududaynaya wax kastoo ay u baahdaan.

Guddoomiye-ku-xigeenka shirkadda Abu Dhabi Fund for DevelopmentΒ  Khaliifa Al Qubaisi oo ah shirkadda ku guulaysatay dhismaha jidka Berbera Corridor oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ku dheeraaday faa’iidada uu jidkani u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Itoobiya.

Waxaanu hoosta ka xarriiqay in jidkaas iyo mashaariic waaweyn oo ku lammaani sii kordhin doonaan istaraatiijiyadda ganacsiyeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Halkan Ka Daawo Hadalka Khaliifa Al Qubaisi:

Geesta kale wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan, oo isna madasha ka hadlay, ayaa shaaciyey in mashruuca jidka Berbera Corridor uu ka kooban yahay mashaariic horumarineed oo dhaqaalaha dalka iyo isu socodka bulshadaba faa’iido badan u leh.

Waxaanu sheegay inΒ  mashruucan ay ku bixi doonto lacag dhan Boqol iyo kow toban milyan oo dollar, loona qorsheeyey inuu si rasmi ah u bilaabmo 15-ka bisha saddexaad (March) ee isla sannadkan 2019-ka.

Daawo Wasiir Hadalka Wasiir C/laahi Abokor:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here