Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Madaxweynaha DDS Itoobiya

0
983

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Musfate Muxumed Cumar,  oo safar shaqo xalay ku yimid magaaladda Hargaysa.

Kulanka labadda madaxweyne ayaa la sheegay in ay kaga wada hadleen  arrimo la xidhiidha iskaashiga ganacsi iyo isdhex-galka labada shacbi ee walaalaha iyo deriska ah.

Ujeedada safarka madaxweynaha dawlad degaanka Soomalida Itoobiya uu Somaliland ku yimid ayaa   la xidhiidhay  dhagax-dhiga wadada casriga ee  Berbera Corridor oo maanta laga dhagax-dhigay duleedka Woqooyi ee caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Afhayeenka madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa kulankaasi labadda madaxweyne kadib waxa uu warbaahinta faahfaahin ka siiyay kulankii ay madaxweyneyaashu yeesheen iyo qodobadii ay isla qaateen.

Halkan Ka Daawo Afhayeenka Oo Ka Warbixinayay Kulanka Labadda Madaxweyne:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here