Lacag Foojeri ah Oo La Sheegay In Ay Soo Gashay Suuqyadda Magaaladda Hargaysa

0
535

Hargaysa (Hargeisa Press): Β Waxaa maanta gebi ahaanba ay sarifleyaasha magaaladda Hargaysa joojiyeen in ay sarifaan lacagta dollarka Maraykanka ah.

Sidoo kale dukaamadda iyo meheradaha ganacisga ee isla magaaladda Hargaysa ayaa joojiyay in ay dadka wax kaga iibiyaan lacagta dollarka ee Maraykanka.

Tallaabadan ay sarifleyaasha Hargaysa ku diideen in ay dadka u sarifaan lacagta dollarka ah iyo diidmadda meheradaha ganaciga ayaa ka dhalatay kadib markii la sheegay in ay suuqyadda magaaladda Hargaysa soo gashay lacag faalso ah.

Lacagtaasi foojeriga ah ayaa la sheegay in ay tahay $50 dollar ee lacagta Maraykanka, taasoo shaki ku abuurtay sarifleyaasha iyo sidoo kale dukaamadda ganacsiga.

Arrintani ayaana jaha-wareer ka dhex abuurtay sarifleyaasha iyo sidoo kale meheradaha ganacsiga kuwaasoo sababta ay u diideen in ay qaataan lacagta dollarka Β ah ku sifeeyay cabsi ay ka qabaan lacagtaasi faalsada ah.

Waxaanay arrintaasi maanta keentay in boqolaal dadweyne ah ay u xanibmaan diidmadda sarifleyaasha iyo meheradaha ganacsiga ee lacagta dollarka ah gaar ahaana $50 dollar.

Geesta kale ma jiro wax war ah oo ay arrintan ka soo saareen haayadaha ay khusayso sida baanka dhexe iyo laamaha amaanka oo ay kaga hadleen lacagtan Foojeriga ah ee la sheegay in ay suuqyadda magaaladda Hargaysa soo gashay iyo xagga ay ka timid.

Hase yeeshee, dhacdadni ayaa markii ay saaka maqleen bulshadda ku dhaqan magaaladda Hargaysa fajac weyn ku abuurtay, maadaama oo bulshadda intoodda badani ay isticmaalaan in ay wax ku iibsadaan lacagta dollarka ah.

Halka sidoo kale gebi ahaanba meheradaha ganacsiga ee Dharka iibiya iyo Bakhaarradda magaaladda Hargaysa marka ay dadka wax ka iibinayaan ay ugu qiimeeyaan dollar ama ay wax kaga iibiyaan.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here