Sool: Dugsiyadda Dawliga ah Oo Loo Qaybiyay Buugaagta Manhajka Somaliland

0
527

Laascaanood (HP): Wasaaradda waxxbarashadda Somaliland ayaa buugaagta manhajka dawladda u qaybisay dugsiyadda dawliga ah ee  gobolka Sool.

Qaybinta buugaagtaasi ayaana maanta laga bilaamay dugsiyadda ku yaalla gudaha magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool halka loo kala diray dugsiyadda kale eek u yaalla deegaamadda hoos yimaadda gobolkaasi.

Waxaana buugaagtaasi loo qaybiyay maamuleyaasha dugsiyadda ku yaalla magaaladda Laascaanood iyo kuwa ku yaalla deegaamadda kale ee gobolkaasi ka tirsan.

Buugaagta la qaybiyay ayaa ah kuwa dugsiyadda hoose dhexe ee manhajka dawladda Somaliland, iyadoo dugsiyadda ku yaalla deegaamadda ka baxsan Laascaanood buugaagta loogu wareejiyay maamuleyaasha dugsiyadaasi.

Waxaana la qorsheeyay in buugaagtaasi la gaadhsiiyo sideed  dugsi oo ku kala yaalla gudaha magaaladda Laascaanood iyo deegaamadda ka baxsan.

Kuwaasoo kala ah Libin Barri, Boocame, Karin-garfood, Far-dhidin, Dann, Saaxdheer, Qoriley, Karin-dabayl weyn.

Sida uu sheegay guddoomiyaha waxbarashadda ee gobolka Sool Daahir Maxamed Axmed, oo  ka warbixinayay buugaagta ay u qaybinayaan dugsiyadda dawladda ee gobolka Sool.

Daawo: Warkaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here