Jidh Dil Loo Gaystay Dhalinyaradii Reer Somaliland Ee Ku Xidhnaa Muqdisho

0
1634

Muqdisho (Hargeisa Press)- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Somaliland, ayaa booqday Dhallinyaradii Somaliland ka soo jeeday ee ku xidhannaa magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada oo sideed gaadhaya, ayaa la kulmay dhallinyarada xidhan, waxana ay xaqiijiyeen in jidh dil xooggan oo dhammaan jidhkiisa ka muuqanaya loo gaystay Cabdiraxmaan Cabdilaahi Khalaf, oo ka mid ah Dhallinyarada xidhan.

Cabdiraxmaan Khalaf, ayaa waxaa uu Xildhibaanada u sheegay in si kasta loo jidh dilay si uu dusha isaga saaro dilkii Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka soo jeeday Somaliland, kaasi oo si badheedh ah loo dilay.

Xildhibaanada, ayaa sidoo kale sheegay in ay indhahooda ku arkeen nabarrada Argagaxa leh ee loo gaystay Cabdiraxmaan.

Xildhibaanada, ayaa markiiba dacwad u gudbiyay Raysal Wasaaraha Soomaaliya si tallaabo looga qaado taliyeyaasha bixiyay amarka lagu jidh dilay Dhallinyarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here