Jaalliyadaha Somaliland ee Jarmalka oo Ku Guulaystay in ay Mideeyaan Xafladaha 18-ka May, Kuna Heshiiyay Hal meel in lagu Wada Qabto.

0
715

Frankfort , (HargeisaPress) β€” Jaalliyada Reer Somaliland ee Gobolka Hessen, Dallada Guud ee Jaalliyadaha Somaliland ee Dalka Jarmalka iyo Ururka Dhalinyarada ee SYDA ayaa Ku Guuleystay in La mideeyo Xafladaha lagu maamusayo Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka may ee Lagu Qabto Dalkan jarmalka.

 

Kullamo bilihii ugu Danbeeyay ka Socday Gobolka Hessen ayaa laga Gaadhay Xal kama Dambays ah iyada oo la isla qaatay in Sanadka La mideeyo Cududa iyo Awooda Dadka Reer Somaliland ee ku Dhaqan Dalkan lana Muujiyo Qadiyada Qaranimada Somaliland Qiimaha ay leedahay, SidaaΒ  Darteed Waxaa la isla qaatay in Sanadka 2016-ka lagu Qabto Magaalada Kassel oo ku Taala Badhtamaha Dalka Jarmalka.

 

Gudoomiyaha Dallada Guud ee Jaalliyadaha Somaliland ee Dalka Jarmalka C/fataax Cismaan Cigaal ayaa Kullankii Wanqalka Jaalliyada ka Shaaciyay in Sanadkan Magaalada Kassel Marti galin doonto Xuska 18 may, isaga oo Sheegay in La Midaynayo Xafladihii kala Duwanaa ee Dalkan lagu Qaban jiray, Hal meelna la isugu keeni Doono.

 

Gudoomiyaha Jaalliyada Somaliland ee Gobolka Hessen C/shakuur Maxamed C/laahi ayaa isagu Khadka Telfoonka kula soo xidhiidhay Shabakada Haldoornews.com waxaanu Sheegay in uu Ku Guuleystay Xalinta Khilaafyo ka Taagnaa Gobolka Dhexdiisa oo ka Dhashay Qabashada Xuska 18-ka may isaga oo Shaaciyay in Magaalada Kassel lagu Qaban Doono Xaflada Xuska Qaranimada Somaliland sanadka 2016-ka.

 

Gudoomiye C/shakuur Waxa uu Xusay in Si Gobonimo leh ay iskula qaateen Xubnihii ku kala Aragtida Duwanaa Goobta lagu Qabanayo 18-may oo Wakiishay Jaalliyada Gobolka iyaguna Go,aankaasi ku Qanciyeen labada dhinacba in Laga Wada Shaqeeyo Midnimada iyo Isku Tiirsanaanta Qurbajoogta Somaliland ee ku Dhaqan Wadanka Jarmalka lagana Wada shaqeeyo Qabanqaabada Xaflada 18-may ee Sanadkan lagu qabanayo Magaalada Kassel.

 

Gudoomiye C/Shakuur waxa kale oo uu Aad ugu Mahadnaqay Xubnihii kala Qayb qaatay Midaynta Xafladaha Qaranimada ee 18-ka may waxaanu yidhi Β β€œWaxaan aad ugu Mahadnaqayaa Musharaxa Golaha Wakiilada Somaliland Mustafe X.Aadan iyo Gudoomiyaha Abaabulka Xisbiga Kulmiye Axmed Showqi Cartan oo igala Shaqeeyay sidii Jarmalka Hal Xaflad loogu Qaban lahaa Sannadka 18-may, waxaa kale oo aan umahadnaqayaa Ururka Dhalinyarada ee SYDA Gudoomiye Xamse C/raxmaan, Amb.Jaamac Giire, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Jaamac Xandule, Gudoomiyaha G.Hessen ee Xisbiga Wadani Khaalid Miino, Gudoomiyaha Gudida Qaban-qaabada 18-ka May Liibaan Jaambiir” ayuu yidhi Gudoomiyaha Jaalliyada Gobolka Hessen.

 

Gobolka Hessen oo inta badan Khilaafaad badani ka dhex Taagnaayeen Dhalinyarada Reer Somaliland ayaa isagana laga heshiiyay iyada oo Jaalliyada Gobolku Guul ka gaadhay Midaynta Dadka Reer Somaliland ee ku dhaqan, kuwaasi oo dhinac uga soo wada jeedsaday sidii Wada jir looga wada shaqayn lahaa Danta Dadka Reer Somaliland.

 

Waa Markii ugu Horeeysay ee Jaalliyadaha Somaliland ay ka Shaqeeyaan sidii loo midayn lahaa Xusaska 18-ka may ee lagu qabto Dalka jarmalka, taasi oo Meesha ka Saari doonta Khilaafaadkii,Tartankii, Xafiiltankii iyo Xulafaysigii Xafladaha Xuska 18-may Ragaadiyay.

 

 

Mustafe Future

Haldoornews.com

Frankfort Germany

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here