Maxkamada Hargeysa Oo Cadaysay Inaanay Shaqo Ku Lahayn Xadhiga Haweenayda Berbera Laga Soo Xidhay

0
792

HARGEISA , (HargeisaPress) —Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa cadaysay inaanay maxkamadaha shacabka ah u xidhnayn marwo Saado Jaamac Aadan, oo toddobaadkan laga soo xidhay magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil.

 

Guddoomiyaha maxkamadda gobalka Hargeysa garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa xaqiijiyay in haweenaydaasi ay u xidhantahay maxkamadda milatariga balse aanay shaqo ku lahayn maxkamadaha shacabku waxaana uu yidhi

 

“Haweenaydaas Saado Jaamac Aadan, uma xidhna maxkamadaha shacabka, waxase ay u xidhantahay maxkamadad ciidamada malateriga . Markaas maxkamadaha shacabku arrinkeeda wax shaqo ah kuma laha ee sidaas haloola socdo.” ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda gobalka Hargeysa.

 

Waxana uu garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil intaasi ku daray“Cid kasta oo danaynaysa waxaan mar labaad u cadaynayaa inaanay arrinteedu u oolin maxkamadaha shacabka.” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.

 

Is kasteba ha ahaatee Marwo Saado Jaamac Aadan ayaa ay dhawaan ciidamada RRU-du hoyga ay ka dagan taahy magaalada berbera ugu daatay, sidoo kalena waxa aan ilaa hada la garanayn xukumadduuna aanay ka hadlay sababta loo haysto Marwo Saado Jaamac.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here