Jaaliyada Somaliland Ee Maraykanka Oo Si Weyn U Xustay Sanad Guurada 25aad Ee Kasoo Wareegtay Madax-Banaanida Somaliland Iyo Shir Muhiima Oo Lagaga Wada Hadlay Arrimaha Somaliland + SAWIRRO

0
1087

Washington,DC , (HargeisaPress) — Dalka Maraykanka Waxaa ka dhacay xaflad caalami ah oo lagu xusaayey sanad guurada 25aad  ee kasoo wareegtay markii ay Somaliland, la so noqotay madaxbanaanideeda, ee ay halgan dheer ka dib ku dhawaaqaday gooni isu-taaga Somaliland, ee la isla qaatay in Qarankani yahay mid muqadas ah 18-May-1991-kii.

7ff66290-cc61-4955-8326-566ca303a2af

xafladaas oo ay kasoo qaybgaleen madax badan oo ka socotay Somaliland, ama dalkii hooyo oo ay ka mid ahaayeen  Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somalilad mudane Baashe Maxamed Faarax, wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibeda Somaliland mudane Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse), Wasiirkii hore ee Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Taliyihii hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada General Faysal Kaamil Ciise, Drs Adna Adan Ismaaciil iyoAgaasimaha ururka haweenka Nagaad Marwo Nafiisa Yuusuf Maxamed oo dhamaantood laga soo martiqaaday dalka gudihiisa, halkaasna u tegay inay la cidaan dadka Somalilanders ka ah ee ku dhaqan dalka maraykanka.

06e575fc-7fb4-4942-b15b-71b6ccb0cdb5

eed48a2d-0064-4768-936a-39d81ccd6c98

Waxa xaflada dheeraa oo barbar socday dabaaldega shir caalamiya lagaga arrinsanayey sidii qarankan Rubuc qarniga jiray looga dhaadhicin lahaa Aduunka ama Caalamka si loo helo aqoonsi buuxa oo ay somaliland kaga mid noqoto beesha caalamka waxana halkaas lagu gorfeeyey qodobo muhiima oo suurtogal ka dhigi kara in ay meel marto qadiyada Somaliland, iyadoo xooga la saaray sidii laysugu duubnaan lahaa ee guddo iyo dibedba loo muujin lahaa dareenka shacbiga iyo waxqabadka taabbo galka ah ee ka hanaqaaday Somaliland, muujinayana inay Somaliland iyo shacbigeedu ka soo baxeen shuruudihii looga baahnaa ee ay ku mutaysan lahaayeen ictiraaf buuxa oo ay ka helaan beesha caalamka.

efb80a20-924f-48c2-8af4-af7e2a949952

 8e648eed-a4fb-4678-b114-65d8bc3aee84

 

Waxaa iyana hadkaa ka hadlay aqoonyahano maraykan ah sida macalimiin sare oo cilmibaadhayaal caalami ah. dadkaasoo dhamaan ka wadahadlay madashaa, isla markaana ka markhaatifuray taariikhda somaliland ay samaysay iyo sida ay uga duwantahay Soomaaliya, isla markaana ay tahay cadaalad daro in aan la siin xaqeeda oo ah Ictiraaf buuxa oo ay hore u lahaan jirtay hase haatee ay ku lumisay riyadii Soomaali-weyn oo ilaa maanta fashil ah.

521c4916-068d-460d-aa31-0440c72cc61d

Waxaa isaguna ka hadlay mida mid ah macaliinta wax ka dhiga iskuullka Abaarso oo ka sheegeeyay taariikhda iskuulkaasi leeyahay iyo sida uu uga qayb qaadan doono ka midha dhalinta hamiga ictiraaf raadinta Somaliland iyo weliba sidii ay u soo saari lahaayeen dadkii hagi lahaa dalka somaliland oo xor ah.

5170a51c-e52f-493b-b254-4ad3a5b79405

2d53eb94-667c-4085-abe7-ce542a31c2fd

waxa hadalo kala duwan ka jeediyey Dhamaan masuuliyiintii ka socday Somaliland oo warbixin ka siiyey dadkii ku sugnaa halkaas, ugana waramay taariikhda Somaliland ay soo martay. waxa isna halkaa ka hadlay Safiirka Somaliland mudane Rashiid Nuur Gaaruf oo isagu lahaa Agaasimka iyo maamulka Munaasibadaas, waxaanu rashiid ku dhiirigeliyey jaaliyada iyo ka soo qaybgalayaashaba inay u guntadaan sidii qaranka wixiisa loogu soo dhicin lahaa, waxaanu rajo ka muujiyey sida ay hada wax ugu socdaan ka safaarad ahaan, isagoo sheegay inay Somaliland albaabo badan garaacday lana filayo in mustaqbalka dhaw ay wax badani is bedelaan qarankuna noqdo mid is maamula oo ka mid noqon doona waddamada dhaqaalaha iyo khayraadka ugu mudan.

60d3424c-11bd-4cfa-812f-a879ae945c77

ugu danbayna xafladaasi waxay ku soo dhamaatay jawi qurxoon iyo farxad ay isugu hambalyeynayeen dadkii isugu yimid halkaasi.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq

Washington DC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here