Ismaaciil Hurre Buubaa oo Ku Geeriyooday Dalka Turkiga

0
1552

Ankara (Hargeisa Press)- Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ahaa siyaasi iyo aqoonyahay xilal kala duwan kasoo qabtay Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Buubaa wuxuu ahaa siyaasi iyo aqoon yahan caan ka ah gayiga Soomaalidu dagto, wuxuuna ku dhashay magaalada Hargaysa, isaga oo afartii sanno ee noloshiisa ugu horaysay ku qaatay deegaanka Awaare ee Itoobiya, wuxuuna waxbarashadiisii asaasiga ahayd ku qaatay magaalada Borama.

Kadib markii uu dugsiga sare dhamaystay ayuu deeq waxbarasho ka helay dalka Maraykanka, halkaasi oo uu ku dhamaystay waxbarashadiisii heerka kowaad iyo labaad ee jaamacada.

Buubaa waxa uu noqday macalin kadib markii uu dhamaystay waxbarashadiisa jaamacadda, wuuxna ka howlgalay dugsiyo ku yaalay dalka gudihiisa iyo jaamacadii Boqor Cabdicasiis ee dalka Sacuudi Carabiya, waxa kale oo uu mudo la shaqeeyay ururka Jaamacadda Carabta.

Buubaa sannadihii u danbeeyay wuxuu dagaanaa magaalada Hargeysa isago ka dhex muuqday fagaarayaasha siyaasada lagu falanqeeyo, wuxuuna xubin ka ahaa xisbiga WADDANI isagoo dhawaan ku biiray ururada cusub ee siyaasada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here