C/raxmaan Saylici Oo Soo Kormeeray Ceelasha Biyo Soo Saarka Boorama

0
485

Boorama (HP): Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta soo kormeeray kaydka biyaha ee ku yaala Bariga iyo Galbeedka magaaladda Boorama.

C/raxmaan Saylici, oo maalmahan ba safar shaqo ku jooga gobolka Awdal, ayaa kormeerkiisa ku soo maray goobaha ay ku yaalaan kaydka biyaha ee Galbeedka, iyo Barriga, ee magaaladda Boorama.

Kormeerkaasi waxaa madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay xildhibaanno, masuuliyiinta shirkadda maamusha biyaha Boorama, ee Shaaba, agaasimeyaal guud, isu-duweyaal, iyo masuuliyiin kale.

Waxaanu madaxweyne ku-xigeenku markii uu halkaa gaadhay warbixino kaga dhegaystay maareeyaha shirkadda Shaaba, C/raxmaan Sheekh C/salaan, oo faah-faahin ka siiyay qaabka ay u shaqayso shirkadu, iyo waxyaabaha ay ku soo kordhiyeen horumarinta biyaha Boorama.

C/raxmaan Sheekh C/salaan, maareeyaha shirkadda Shaabba, ayaa madaxweyne ku-xigeenka u sharaxay waxyaabaha cusub ee ay ku soo kordhiyeen horumarinta biyaha Boorama.

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa isna ka hadlay waxyaabihii uu ku soo arkay goobaha biyo soo saarka, iyo kaydka biyaha Boorama ee uu soo kormeeray.

Geesta kale madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu baaqay wasaaradda biyaha, iyo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF in ay soo dedejiyaan mashruuc lagu horumarinayo biyaha magaaladda Boorama.

DAAWO: Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland oo kormeeray kaydka biyaha Boorama:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here