Iska Hor’imaad Khasaare Sababay oo Dhexmaray Ciidamo Kawada Tirsan Soomaaliya

0
810

Muqdisho (Hargeisa Press) – Ugu yaraan sedex qof oo rayida, ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii ciidamo ka wada tirsan Soomaaliya uu iska hor’imaad ku dhexmaray isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Iska hor’imaadka oo socday muddo daqiiqado ah ayay dad goobjoog ah waxay sheegeen inuu bilowday kadib markii labada ciidan ay ku murmeen lacago laga qaado gaadiidka waddadaas maraya.

Israsaaseynta dhexmartay ciidamada, ayaa la sheegay iney bilaabantay xili Isgoyska uu ka jiray mashquul aad u xoogan, dadweyne farabadana ay ku sugnayeen Isgoyska.

Muuqaallo laga helay goobta iska hor’imaadku ka dhacay, ayaa laga arkayaa dad dhulka yaala oo rasaas ay ku dhacday.

Illaa hadda ma jiro waxa warra oo ka soo baxay hay’addaha ammaanka ee dawladda federaalka Soomaaliya oo ku saabasan dhacdadii saaka ee Ex Kontrol Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here