Iska Horimaad Cusub oo Dhex-maray Ciidamada Armenia iyo Azerbaijan

0
842
Ciidamada Azerbaijan
Ciidamada Azerbaijan

Baku (Hargeisa Press) – Askari u dhashay dalka Armenia, ayaa lagu dilay rasaas ay xuduudda isku weydaarsadeen ciidamada Azerbaijan, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Armenia, iyada oo weli ay xiisad kacsan tahay kadib dagaalkii bishii September ka dhacay gobolka Nagorno-Karabakh.

Wasaaradda, ayaa goor dambe sheegtay in xaaladda ay hadda degan tahay kadib iska horimaadka oo ka dhacay barta xuduudda ee Verin Shorzha ee gobolka bariga Armenia ee Gegharkunik.

Goobtan, ayaa xuduud la leh gobolka Kalbajar oo ay dib u qabsatay Azerbaijan kadib dagaalkii sanadkii tagay.

β€œHal askari ayaa ku dhintay iska horimaad kadib markii ciidamada Azerbaijan ay rasaas soo fureen,” ayay wasaaradda difaaca Armenia ku tidhi bayaan ay soo saartay.

Hase yeeshee wasaaradda gaashaandhigga Azerbaijan, ayaa beenisay in ciidamadeeda ay rasaas fureen.

β€œSida aan xogta ku hayno, dhacdada la xidhiidha geerida askariga Armenia waxay ahayd mid shil ah, wax shaqo ahna kuma lahan dhinaca Azerbaijan,” ayay wasaaradda ku tidhi war-saxaafadeed ay soo saartay.

Dagaalkii xooggan ee sanadkii tegay ka dhacay gobolka Nagorno-Karabakh oo ah gobol ka tirsan Azerbaijan balse ay degan yihiin Armenian, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 6,000 oo qof kadib lix toddobaad oo uu socday.

Dagaalka, ayaa ku joogsaday xabad joojin ay dhex-dhexaadisay Russia oo Armenia ay ku dhiibtay dhul ay sanado badan haysatay.

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here