Madaxweynaha Somaliland Muxuu Ka Yidhi 33-guurada Markii SNM Gudaha U Gashay Burco 27 May 1988-kii?

0
2602
Madaxweyne Biixi

Berbera (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay 33-guurada ka soo wareegtay Guda-galka Xoogaggii SNM ee Magaalada Burco 27 May 1988-kii, taas oo ay maanta ku beegan tahay 33-guurada ka soo wareegtay.

Sidaas waxa lagu sheegay War-saxaafadeed qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, kaas oo sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha oo maalintii labaad ku sugan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil uu ku hambalyeynayo bulshada Somaliland 33-guurada ka soo wareegtay maalintaas.

War-saxaafadeedka qoraalka ah ee madaxtooyada ka soo baxay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahina Hargeisapress, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu hambalyo u diray shacbiga weynaha Somaliland, gaar ahaan shacbiga ku dhaqan magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, Xuska Sannad Guurada ka soo wareegtay 27-May-1988-kii oo ku beegan berri oo laga joogo 33 sanno guddo galkii xoogagii mujaahidiinta SNM  ee qaybtii bari ay soo galeen magaalada Burco oo ay ku sugnaayeen ciidan cudud iyo awood badan oo ka tirsanaa xukuumaddii ama taliskii macangegga ahaa ee Siyaad Barre.

Waxaanu Madaxweynuhu xusay in Mujaahidiintii SNM ee soo galay gudaha magaalada Burco, naftooda u hureen in ay dhintaan kana hor tagaan ciidan aanay awood ahaan iyo hub ahaan midna aanay isu dhigmin, iyagoo ku tallo-galkoodu ahaa inay u shahiidaan xoraynta dalkooda iyo dadkooda, kana dhiidhiyay gumaadka iyo xasuuqa lagu hayay dadkooda oo xilligaa la xarayn jiray labada duhurnimo, wakhtigaa wixii ka dambeeyana sida xoolaha ay qasab ahayd qofka la qabto in la bireeyo.

Isagoo madaxweynuhu dareensan qiimaha maalintaasi iyo maalmaha la midka ahi u leedahay shacbiga Somaliland diwaankana ay ugu jirto in Maalintaasi ay ka mid tahay maalmaha  bulshada reer Somaliland ku weyn ee taariikhiga ah, kana mid ah maalmihii halganka dib u xoraynta Somaliland ee mujaahidiintii SNM geerida ugu badheedheen kuna guddoonsadeen dhimasho iyo dhulkooda oo xorooba, maalintan iyo maalmo kale oo la mid ahna ay ka dhasheen suugaan taariikhda gashay oo ay curiyeen  hal-abuurka reer Somaliland ah oo maalintaa halganka ku jiray ama goob-joogba u ahaa.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu hambalyo taa la mid ah u dirayaa Mujaahidiinta iyo Shacbiga Somaliland Xuska Sannad Guurada ka soo wareegtay 31-kii-May-1988-kii oo laga joogo 33 sanno oo ku beegan guddo galkii xoogagii mujaahidiinta SNM ay soo galeen magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa oo madaxweynuhu uu u soo hormariyey madaama maalintaasi dalka oo dhan looga dareerayo doorashada wakiilada iyo deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu u Ducaynayaa Dhammaan Mujaahidiintii SNM ee ku shahiidday iyo intii ku dhaawacantayba halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreeyey 27-31 MAY 1988-kii oo sababay in gobannimada Somaliland lagu waraabiyey dhiig, una le’deen Geesiyaal, una agoomoobeen ubad badan oo maanta guranaaya midhihii waalidkood u naf waayeen  oo maanta sababay in aynu xornimo ugu dabbaal-degno innagoo marayna nidaamka doorashooyinka xisbiyada badan ee Somaliland ka hana qaaday.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalkan Madaxweynuhu kaga hadlay maalintii Burco la galay 27 May 1988-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here