Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo Maamuusay Guddoomiyaha Ururka Difaaca Qaranimada Somaliland

0
548

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hoggaanka sare ee xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE oo uu hormuud u yahay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga, Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay Guddoomiyaha Ururka Difaaca Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Sutigaashaan, Ibraahim Caydiid oo dhawaan dalka ku soo laabtay.

Munaasibadda hadhimada oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen xubno ka mid ah  golaha Wasiirrada iyo Saraakiil kale oo ka socotay ururka Sutigaashaan, ayaa si weyn loogaga mahadnaqay Guddoomiye Ibraahim Caydiid oo kaalin muuqata kaga jira difaaca qarannimada iyo deedafeynta wax kasta oo ka dhan ah dawladnimada iyo wada-jirka ummadda jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha ururka Sutigaashaan, Ibraahim Caydiid, ayaa dhankiisa si weyn hoggaanka xisbiga KULMIYE ugaga mahadceliyey casuumadda ay ku maamuuseen.

Waxana uu tilmaamay inay kulamada noocan ahi dhiirrigelin u yihiin hawlaha difaaca qaranka ee uu hayo.

Hadhimo sharafeedda waxa Guddoomiye Cabdicasiis Maxamed Samaale ku wehelinayey Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka horumarinta Biyaha, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee xisbiga KULMIYE, ahna murashaxa Madaxweyne ku-xigeen, ahna Wasiirka Ganacsiga, Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Wasiirka Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha, ahna Afhayeenka xisbiga KULMIYE, Cabdinaasir Maxamed Xasan Buuni iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Siciid Axmed Jibriil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here