Liiska Cod-bixiyeyaasha Doorashada Somaliland iyo Codeeyayaal Laga Diiwaan-geliyay Laascaanood iyo Buuhoodle

0
1199

Hargeysa (Hargeisa Press)- Gudigga Doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay liiska rasmiga ah ee codbixiyeyaasha doorashada madaxtooyada iyo doorashada tooska ah ee Axsaabta Qaranka.

Guddida Doorashooyinka, ayaa waxaa ay liiska kama-dambaysta ah ee Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Guddoonsiiyeen Madaxda Xisbiyadda iyo Ururrada Siyaasadda.

Tirada guud ee codbixiyeyaasha ay gudiggu soo saareen, ayaa ka badan hal milyan iyo laba boqol oo kun oo qof.

Komiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay Liista Kama-dambaysta ah ee Cod-bixiyayaasha Doorashada Madaxtooyada iyo Doorashada Xisbiyada Qaranka.

Liiska cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland, ayaa waxaa ka dhex muuqda codeeyayaal laga diiwaan-geliyey Magaalooyinka Laascaanood, Buuhoodle, Xudun iyo Taleex.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here